{"id":49977,"date":"2018-09-26T04:48:55","date_gmt":"2018-09-26T01:48:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=49977"},"modified":"2018-09-26T04:55:47","modified_gmt":"2018-09-26T01:55:47","slug":"hargeysa-oo-maanta-lagu-soo-dhaweeyey-c-kariim-muuse-qalbidhagax-iyadoo-dad-badani-usoo-baxeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/09\/hargeysa-oo-maanta-lagu-soo-dhaweeyey-c-kariim-muuse-qalbidhagax-iyadoo-dad-badani-usoo-baxeen\/","title":{"rendered":"Hargeysa oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey C\/kariim Muuse Qalbidhagax iyadoo Dad Badani usoo Baxeen."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/qalbi-dhagax.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-49978\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/qalbi-dhagax.jpg\" alt=\"\" width=\"886\" height=\"750\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/qalbi-dhagax.jpg 567w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/qalbi-dhagax-300x254.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 886px) 100vw, 886px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu soo dhoweeyey Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee jabhadda ONLF, waxaana soo dhoweyntiis ka qaybqaatay qaybaha kala duwan ee dadweynaha, xildhibaanada Guurtida iyo Wakiilada, xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, wasaarada arrimaha dibada iyo marti sharaf kale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dadweynihi soo dhoweynayey ayaa heeso wadani oo ay ku soo dhoweynayeen u qaaday, waxaana madaxdii ka hadashay soo dhoweyntiisa sheegeen inay ka xun yihiin dulmigii ku dhacay iyo xadhigii loo gaystay, taas oo lagu tilmaamay mid aad looga xumaaday guud ahaan Soomaalida.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxda soo dhoweysay Qalbi dhagax ayaa sheegay inay doonayaan inay xidhiidh wanaagsan ka dhexeeyo Somaliland iyo deegaanka Soomaalidda ee Itoobiya, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay cid walba iskaga dhow yihiin.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201caad baan idinku mahadcelinayaa shacabka , xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka ee aan u kala hadhin soo dhoweyntayda, waxaan salaan idinka sidaa madaxda ugu sareysay ee jabhadda ONLF oo maalmaha soo socda iyaguna soo gaadhi doona Somaliland\u201dayuu yidhi Qalbi dhagax.<\/p>\n<p>\u00a0<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/images\/2018\/Sept\/20189256367346370656049194899933.jpg\" alt=\"\" width=\"654\" height=\"480\" \/><\/p>\n<p>Qalbi dhagax ayaa nidaamkii hore ee ka talinjirey Itoobiya loo dhiibay, kaasi oo muddo ka dib xabsigii laga siidayey, waxaanu sheegay in xadhigiisa soomaali oo dhan ka xumaatay, isla markaana uu safar ku mari doono dhulka Soomaalida si uu uga mahad celiyo sidii ay u garab istaageen wakhtigii Itoobiya loo gacan galiyey.<\/p>\n<p>Inkastoo wakhtiyo badan dhulka Soomaalida ay dambi ka ahayd jabhadda ONLF iyo calankeeda, haseyeeshee isbedelka ka dhacay Itoobiya ayaa sababay in magaalooyinka Soomaalida lagu soo dhoweeyo,isla markaana calankooda iyo astaantoodaba lagu ixtiraamo inay meesha doonaan la mari karaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa Hargeysa ku nool qoysas faro badan oo ka soo baxsaday deegaanka Soomaalidda wakhtigii nidaamki hore ee Cabdi Iley ka talin jirey taas oo dad badan tacadiyo looga gaystay Itoobiya.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49681\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49681\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49682\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49683\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49684\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu soo dhoweeyey Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee jabhadda ONLF, waxaana soo dhoweyntiis ka qaybqaatay qaybaha kala duwan ee dadweynaha, xildhibaanada Guurtida iyo Wakiilada, xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, wasaarada arrimaha dibada iyo marti sharaf kale. Dadweynihi soo dhoweynayey ayaa heeso wadani oo ay ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":49978,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-49977","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49977","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=49977"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49977\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":49980,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49977\/revisions\/49980"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/49978"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=49977"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=49977"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=49977"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}