{"id":49647,"date":"2018-09-13T17:35:24","date_gmt":"2018-09-13T14:35:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=49647"},"modified":"2018-09-13T17:42:50","modified_gmt":"2018-09-13T14:42:50","slug":"hayadda-icao-oo-dawladda-soomaaliya-kala-hadashey-arrimo-hawada-soomaaliya-la-xiriira","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/09\/hayadda-icao-oo-dawladda-soomaaliya-kala-hadashey-arrimo-hawada-soomaaliya-la-xiriira\/","title":{"rendered":"Hay&#8217;adda ICAO oo Dawladda Soomaaliya Kala Hadashey Arrimo Hawada Soomaaliya La Xiriira."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/icao.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-49648\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/icao.jpg\" alt=\"\" width=\"890\" height=\"593\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/icao.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/icao-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 890px) 100vw, 890px\" \/><\/a><\/span><\/div>\n<div align=\"justify\">\u00a0<span style=\"font-size: large;\">Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Max\u2019ed C\/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehlinayeen ku simaha agaasimaha hay\u2019adda Duulista hawada Mudane Axmed Macallim Xasan iyo agaasimaha guud ee waaxda Dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Jacfar Max\u2019ed Axmed ayaa kulan la qaatay madax ka tirsan hay&#8217;adda duulista hawada ee ICAO.<br \/>\n<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wafdiga ayaa magaalada Montr\u00e9al kula kulmay\u00a0 madax ka tirsan hay\u2019adda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay\u00a0 oo uu hogaaminayay Agaasimaha qeybta farsamada iyo Kaalmada ee hay\u2019adda ICAO (TCP) Jorge Vargas, ayagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan howlaha ay hay\u2019addu ka wado Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyn ka dhexeeysa wasaaradda duulista hawada Soomaaliya iyo hay\u2019addaasi.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Mr. Jorge Vargas ayaa dhawaan loo magacaabay xilkaasi, ayadoo badalay agaasimihii hore oo ku eedeysnaa falal la xiriira musuqmaasuq.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kulanka ayaa loo hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa mashaariicda ay hay\u2019adda ICAO ka fulin jirtay Soomaaliya oo ay kal hore dowladda hakisay, kadib markii ay dowladdu sheegtay in mashaariicdaasi loo maamulayay hannaan qaldan islamarkaana la musuq-maasuqayay mashaariicda.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Madaxda ayaa isku afgartay in mashaariicdaasi oo isugu jiray Tababarro iyo dhismaha garoomada diyaaradaha ay hay\u2019addu dib uga bilowdo Soomaaliya.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Sidoo kale, waxaa kulanka intii uu socday looga hadlay in dib loo tayeeyo qalabka casriga ah ee lagu rakibay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee lagu hago diyaaraha ee loo yaqaan (CPDLE), ayadoo dowladda Soomaaliya ay ha\u2019addu ka dalbtay in xal degdeg ah loo raadiyo sidii looga gudbi lahaa isticmaalka Matoorro ay hay\u2019addu maamusho oo dab siiya garoonka, kuwaasoo ay bishii ku baxdo lacag dhan $11,000, waxaana dowladdu dalbatay in ay iyagu soo iibsato Matoorro si qarashaadkaasi u baaqdaan.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Kulanka oo uu ka qeybgalay agaasimaha waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay noqoneeyso markii ugu horeeysay oo ay wasaaraddu wafdi u dirto arimahaasi ayaa diiradda lagu saaray sidii xisaabin loogu sameeyn lahaa (Audit) mashaariicda ay hay\u2019addu ka fulisay Soomaaliya shanti sano ee ugu danbeeysay iyo halka uu maro dhaqaalaha kasoo xaroodo, arintan oo noqoneysa mid ay wasaaraddu ku dooneeyso in ay kula socoto dhaqaalaha kazoo xarooda hawada Soomaaliya oo ay mudo dheer maamulaysay hay\u2019adda ICAO.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudan Max\u2019ed C\/laahi Salaad (Oomaar) oo wareeysi Siiyey Qaar kamid ah Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in madaxdu ay isku afgarteen in ugu danbeeyn 15-ka bisha October ee sanadkan la xiro xafiiska qaabilsan hawada Soomaaliya eek a furan Nairobi, qalabka yaalna loo raro dalka ugu danbeyn 01- December ee Sanadkan.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay rajo weyn ka qabaan marka la dhameystiro howlaha lagu tayeynayo qalabka haga diyaaradaha ee ku rakiban xarunta maamulka hawada Soomaaliya ee Muqdisho in Soomaaliya ay kaalimaha hore ka geli doonto dhanka duulimaadyada, dhaqaala badanna uu kasoo xaroon doono.<\/span><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka hawada bishii December ee sanaddii 2017 kadib mudo dheer oo ay maamulaysay hay\u2019adda ICAO, wallow ay hay\u2019addu weli maamusho qeyb kamid ah dhaqaalaha kasoo xarooda hawada Soomaaliya.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/div>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49354\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49354\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49357\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49358\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49359\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Max\u2019ed C\/laahi Salaad (Oomaar) oo ay wehlinayeen ku simaha agaasimaha hay\u2019adda Duulista hawada Mudane Axmed Macallim Xasan iyo agaasimaha guud ee waaxda Dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Jacfar Max\u2019ed Axmed ayaa kulan la qaatay madax ka tirsan hay&#8217;adda duulista hawada ee ICAO. \u00a0 Wafdiga ayaa magaalada Montr\u00e9al [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":49648,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-49647","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49647","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=49647"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49647\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":49651,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49647\/revisions\/49651"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/49648"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=49647"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=49647"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=49647"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}