{"id":49558,"date":"2018-09-11T01:29:20","date_gmt":"2018-09-10T22:29:20","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=49558"},"modified":"2018-09-11T01:30:32","modified_gmt":"2018-09-10T22:30:32","slug":"mweyne-farmaajo-oo-khudbad-ka-horjeediyey-furitaanka-kalfadhiga-barlamaanka-federalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/09\/mweyne-farmaajo-oo-khudbad-ka-horjeediyey-furitaanka-kalfadhiga-barlamaanka-federalka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"M\/weyne Farmaajo oo Khudbad Ka Horjeediyey Furitaanka Kalfadhiga Barlamaanka Federalka Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/farmajo-khudbad-barlam.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49559\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/farmajo-khudbad-barlam.jpg\" alt=\"\" width=\"1180\" height=\"787\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/farmajo-khudbad-barlam.jpg 1180w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/farmajo-khudbad-barlam-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/farmajo-khudbad-barlam-768x512.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/farmajo-khudbad-barlam-1024x683.jpg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1180px) 100vw, 1180px\" \/><\/a>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cDalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho, Qof kasta oo inaga mid ahna mas\u2019uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay\u2019adaha dhaqaalaha adduunka.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cDhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cUmmad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49354\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49355\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-1.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/beec21-150x150-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49357\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49358\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-49359\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/09\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":49559,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-49558","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49558","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=49558"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49558\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":49560,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/49558\/revisions\/49560"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/49559"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=49558"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=49558"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=49558"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}