{"id":48509,"date":"2018-07-29T23:41:07","date_gmt":"2018-07-29T20:41:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=48509"},"modified":"2018-07-29T23:41:34","modified_gmt":"2018-07-29T20:41:34","slug":"xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-cagaarshawga-oo-muqdisho-lagu-qabtey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/07\/xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-cagaarshawga-oo-muqdisho-lagu-qabtey\/","title":{"rendered":"Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshawga oo Muqdisho Lagu Qabtey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/cagarshaw.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-48510\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/cagarshaw.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/cagarshaw.jpg 800w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/cagarshaw-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/cagarshaw-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/a>Munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta bishan July laga xuso caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p align=\"justify\">Munasabadan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Ardayda dhaqaatiirta Soomaaliyeed (SOMSA), ayaa halku dhaga sanadkan uu yahay Ciribtirka Cudurka Cagaar-showga (Eliminate Hepatitis).<\/p>\n<p align=\"justify\">Mas\u2019uuliyiin ka soctay Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya, heyadda caafimaadka adduunka WHO Aqoonyahanno, boqolaal ka tirsan ardayda Jaamacadaha qaarkood, masuuliyiin kala duwan iyo xubno ka socday qey-baha bulshada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta ardayda Soomaaliyeed Dr C\/llaahi Maxamuud Tuur-yare oo furitaankii munaasabadaas ka hadlay ayaa u mahad celiyey Prof. Dufle, ardayda ka faa\u2019iideysatay casharkan iyo martida kala soo qeyb gashay intaba, wuxuuna xusay in ururka SOMSA uu mar walba qabto tababaro si kor loogu qaado aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee ku howlan barashada Caafimaadka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Yaasiin Nuur oo ah masuul ka tirsan WHO oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay muhimada ay leeyihiin barnaamijyada noocan ah ee bulshada looga wacyi gelinayo cudurada haliska, wuxuuna xusay in heyadda caafimaadka adduunka ay kaalinteeda ka qaadaneyso xoojinta barnaamijyada noocan ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C\/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay sidii ay bulshadooda uga wacyi gelin lahaayeen cudurada halista ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cCagaarshowga waa cudur dilaa ah, Soomaaliyana waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee lagu arko mar walba, waxaan u mahad celinayaa Prof. Dufle oo muddo fog soo waday wacyi gelinta cudurkan si weyna ugu dedaalay sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka hortagiisa\u201d ayuu yiri Dr. Dalmar.<\/p>\n<p align=\"justify\">Prof. Cismaan Max\u2019uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu faro ba\u2019an ku hayo bulshooyinka caalamka, ayna sanad walba u dhintaan malaayiin qof oo intooda badan ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Koonfur bari Aasiya iyo Latin Amerika, isagoo xusay in qorshuhu yahay cudurkan in laga ciribtiro aduunyada ugu dambeyn sanadka 2030-ka.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cCagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah oo sida amusan wax u dila (Silent Killer)\u201d ayuu yiri Dr Dufle oo intaa ku daray in cudurka cagaarshowga ay keenaan feyrusyo kala duwan oo burbur iyo dhaawac u geysta unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaasoo uu sheegay iney ka mid yihiin Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.<\/p>\n<p align=\"justify\">Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus \u2013 HAV) ayuu sheegay Prof. Dufle inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan oo ruux, isagoo xusay inuu ku badan yahay caruurta iyo dadka waaweyn, wuxuuna tilmaamay in cudurkan uu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab saf mareen ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso dad badan ay ku noolyihiin sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro\u201d ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo dhinaca kale ku dheeraaday calaamadaha cudurka iyo sida ugu haboon ee looga hortago, loona daweeyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mar uu ka hadlayey Soomaaliya ayuu sheegay Prof. Dufle inuu aad ugu badan yahay cudurkan ayna ka jiraan dhaqamo hore iyo dhibaatooyin kale oo gacan ka geysanaya in cudurka cagaarshowga uu maalin walba soo rito dad cusub, isagoo bulshada ugu baaqay iney ka fogaadaan isticmaalka Cirbad lagu duray qof jiran, qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo, galmada lala sameeyo qof cudurka qaba, daawo dhaqameedka sida: Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta, gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalo aan la jeermi dilin cudurkana sii faafin kara.<\/p>\n<p align=\"justify\">Prof. Dufle ayaa si hufan uga jawaabay su\u2019aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda ka soo qeyb gashay Munaasabadan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa xusid mudan in Dr. Cawaale oo ka mid ahaa dufcadii ugu horeysay ee ka qelin jebisay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir uu munaasabada ku soo bandhigay Talaal loogu talo galay cudurka Cagaarshowga kaasoo markiiba la siiyey qaar ka mid ahaa ardaydii goob jooga aheyd qaarkood.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mas\u2019uuliyiinta goob jooga ka aheyd xuskan ayaa shahaadooyin uu bixiyey ururka SOMSA waxay guddoonsiiyeen ardayda ka faa\u2019ideysatay dhegeysiga casharka ku saabsanaa Cagaarshowga waxayna munaasabadaas ku dhamaatay Sidii loogu talo galay.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-48370\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-48370\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-7-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-48366\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-5.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-5.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-5-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-48348\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-5.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-5.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-5-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-5-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/hormuud-logo-4.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-48349\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta bishan July laga xuso caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munasabadan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Ardayda dhaqaatiirta Soomaaliyeed (SOMSA), ayaa halku dhaga sanadkan uu yahay Ciribtirka Cudurka Cagaar-showga (Eliminate Hepatitis). Mas\u2019uuliyiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":48510,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-48509","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48509","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=48509"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48509\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":48511,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48509\/revisions\/48511"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/48510"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=48509"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=48509"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=48509"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}