{"id":4819,"date":"2011-12-10T15:18:48","date_gmt":"2011-12-10T15:18:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=4819"},"modified":"2011-12-10T15:18:48","modified_gmt":"2011-12-10T15:18:48","slug":"dawlada-kenya-oo-duqeen-qasaaro-sababtay-ka-geysatay-dagmada-baardheere","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2011\/12\/dawlada-kenya-oo-duqeen-qasaaro-sababtay-ka-geysatay-dagmada-baardheere\/","title":{"rendered":"Dawlada Kenya oo duqeen qasaaro sababtay ka geysatay dagmada baardheere"},"content":{"rendered":"<p>\u00a0<\/p>\n<p><strong><em>Wararka soomaliya<\/em><\/strong><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta markale degmada Baar dheere ee gobolka Gedo ay duqeeyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya.<\/p>\n<p>Dad degmada ku sugan ayaa\u00a0 wakaalad warsom.com u sheegay inay arkeen labo diyaaradood oo noocoodu yahay MIG kuwaasoo dhowr gantaal ku dhuftay garoonka diyaaradaha ee Baardheere halkaasoo ciidamada xarkada mujaahidiinta\u00a0 Al-Shabaab ay ku leeyihiin xarun tababar.<\/p>\n<p>Wararka hordhaca ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay geysatay dhimshada sadax ruux iyo dhaawaca shan\u00a0 kale oo ay ku jiraan dad rayid ah oo gadhawaa halka ay duqeenta ka dhacday..<\/p>\n<p>Sarkaal ka tirsan xarkada Al-Shabaab oo ka hadlay idaacadda Andulus ee\u00a0 ku hadasha afka xarkada ayaa beeniyey in xeradooda la duqeeyey, wuxuuna sheegay in gantaalada ay ku dheceen goob ay hay\u2019ada Bisha Cas dad tabaaleysan ku siineysay cunto gargaar ah.<\/p>\n<p>Nin joogan degmada Baardheere oo naga codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa wakaalada warsom.com \u00a0u sheegay in markii duqeynta la maqlay ay xarkada Al-Shabaab bilaabeen inay qoryaha lidka diyaaradaha hawada u tuuraan si ay uga hortagaan duqeymo kale. \u201cWelina guuxa diyaaradaha waa la maqlayaa\u201d ayuu yiri ninkaasi warsom u waramay.<\/p>\n<p>Maalintii shalay ayaa diyaarado joog hoose ku duulaya waxay dhowr jeer dulmareen magaalada Baardheere, walow aysan wax duqeyn ah geysan sida ay sheegeen dadka deegaanka.<\/p>\n<p>Dawlada Kenya wax war ah kama soo bixin oo la xiriira duqeynta maanta.<\/p>\n<p><strong><em>Wakaalada wararka soomaaliyeed Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomliyeed<\/em><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0 Wararka soomaliya\u00a0 Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta markale degmada Baar dheere ee gobolka Gedo ay duqeeyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya. Dad degmada ku sugan ayaa\u00a0 wakaalad warsom.com u sheegay inay arkeen labo diyaaradood oo noocoodu yahay MIG kuwaasoo dhowr gantaal ku dhuftay garoonka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-4819","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4819","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4819"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4819\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4824,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4819\/revisions\/4824"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4819"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4819"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4819"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}