{"id":48131,"date":"2018-07-17T04:54:48","date_gmt":"2018-07-17T01:54:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=48131"},"modified":"2018-07-17T05:20:17","modified_gmt":"2018-07-17T02:20:17","slug":"xafiis-qaabilsan-amniga-gobolka-banaadir-oo-la-furey-lama-oga-micnaha-uu-salka-ku-hayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/07\/xafiis-qaabilsan-amniga-gobolka-banaadir-oo-la-furey-lama-oga-micnaha-uu-salka-ku-hayo\/","title":{"rendered":"Xafiis Qaabilsan Amniga Gobolka Banaadir oo La Furey Lama Oga Micnaha uu Salka ku Hayo!."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/xafiis-amni-gobol.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-48132\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/xafiis-amni-gobol.jpg\" alt=\"\" width=\"953\" height=\"635\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/xafiis-amni-gobol.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/xafiis-amni-gobol-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 953px) 100vw, 953px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah-na Ku-xigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka Baydhabo ee 3-ilaa 5ta bisha Juun ay dhankooda hirgeliyeen xafiiskan oo kaalin mugleh ka qaadan doona is-dhex galka siyaasadaha la xiriira arrimaha amniga qaran ee heer gobol iyo heer Federaal.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cXafiiskan waxaa uu masuul ka yahay isku xirka iyo isku duwidda howlaha ciidamada iyo guud ahaan shaqooyinka lagu xaqiijinayo amniga Qaran oo qorshuhu yahay in istaraatiijiyadda mideysan ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay si joogta ah isu dhaafsadaan, ugana wada shaqeeyaan.\u201dayuu yiri Guddoomiye Xusseen.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale, Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Amniga Gobolka Banaadir in ay ka miro-dhaliyaan hiigsiyada ku aaddan xasilinta amniga gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta kala dhaxeysa bulshada.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cShacabka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir waxa ay laf-dhabar u yihiin qorshayaasha lagu sugayo amniga, sidaas darteed waxaan rajeynaynaa in xafiiskan uu kor u qaado wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada iyo laamaha ammaanka si looga hor tago dhagarta argagixisadu ay u maleegayaan dadka Soomaaliyeed.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Furitaanka Xafiiska Amniga Gobolka Banaadir waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiita Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir (SAMA) iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47925\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47925\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47926\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47927\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-2.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-2.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-2-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-2-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47928\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah-na Ku-xigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka. Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka Baydhabo ee 3-ilaa 5ta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":48132,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-48131","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48131","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=48131"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48131\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":48134,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/48131\/revisions\/48134"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/48132"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=48131"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=48131"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=48131"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}