{"id":47890,"date":"2018-07-09T21:25:52","date_gmt":"2018-07-09T18:25:52","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=47890"},"modified":"2018-07-09T21:32:25","modified_gmt":"2018-07-09T18:32:25","slug":"magaalada-asmara-ee-dalka-eritrea-oo-dalalka-itoobiya-iyo-eritrea-heshiis-ku-gaareen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/07\/magaalada-asmara-ee-dalka-eritrea-oo-dalalka-itoobiya-iyo-eritrea-heshiis-ku-gaareen\/","title":{"rendered":"Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea oo Dalalka Itoobiya iyo Eritrea Heshiis ku Gaareen."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/heshis-eritrea.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-47891\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/heshis-eritrea.jpg\" alt=\"\" width=\"1105\" height=\"621\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/heshis-eritrea.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/heshis-eritrea-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 1105px) 100vw, 1105px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019isal Wasaaraha Is-bedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Axmed oo xilkan loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxaa uu gar-waaqsaday in la soo afjaro dagaal muddo ka badan 20 sano dalkiisa kala dhaxeeyay dowlad ay dariska yihiin ee Eritrea.<\/p>\n<p align=\"justify\">Tallaabadan uu qaaday ra\u2019iisal wasaaraha Itoobiya marka laga soo tago faa\u2019iidada ugu jirta labada dal, dhinaca kale waxaa la leeyahay heshiiskan waxaa uu muhiim u yahay nabada gobolka oo idil, gaar ahaan dowladdaha dariska la ah dalalkan heshiiska taariikhiga ah gaaray.<\/p>\n<p align=\"justify\">Gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka dhaxli doonta\u00a0 heshiiskan degenaasho siyaasadeed iyo mid Amni intaba, madaama colaada muddada dheer soo jirtay ee labada dowladood sababtay fara-galin uga imanayay labada dal, gaar ahaan Eritrea oo muddo dheernab lagu eedeeynayay in ay taageero hoose siiso kooxda Al-shabaab iyada oo ku xumeyneysa dowladda Itoobiya oo dagaal kula jirtay kooxaha Argagixisada oo ay Al-shabaab-na ka mid tahay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale heshiiskan ayaa dhinac kale la sheegay in uu baal cusub oo ah Soomaalida ka wada hadli karaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya,\u00a0 iyadoo tusaala ugu fiican loo soo qaadanayo in Muqdisho iyo Hargeysa meel iska dhiggi karaan muran siyaasadeedka muddo dheerba soo jiitamayay dib-na u midoobi karaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Abiy Ahmed ayaa sheegay in dib loo bilaabayo dulimaadkii labada dal, khadkii is gaarsiinta iyo in Itoobiya ay ka faa\u2019ideysan doonto isticmaalka dekedda Eritrea, waxaana sidoo kale heshiika ku jira in dadka reer Eritrea booqan karaan eheladooda ku nool Addis Ababa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey dalka Eritrea, Issias Efewerki ayaa soo dhaweeyay niyad wanaaga ra\u2019isul-wasaaraha da\u2019da yar ee Ethiopia, Abyi Ahmed, kaasi oo shalay markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.<\/p>\n<p align=\"justify\">Gobalka oo idil ayaa heshiiskan soo dhaweeyay, gaar ahaan Eritrea laftirkeeda ayaa ka faa\u2019iidi doonta heshiiskan madaama ay muddo dheerba saarneyd\u00a0 cunaqabateyn uga imanayay QM oo ku eedeysay xukuumadda Asmara in ay taageerto kooxaha Argagixisada gaar ahaan Ururka Al-shabaab, inkastoo mar walba Eritrea ay beenineysay eedeymahan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dadka siyaasada ka faalooda ayaa rumeysan in Eritrea markan heysato fursad caalami iyo mid gobaleed, si ay mar kale ugu soo muuqato masraxa siyaasadda iyo kulamadda Ururradda caalamiga, waxaana hor yaalla fursad ay ku heshisiin karto dowladda Itoobiya iyo Ururka xoreynta ee ONLF, oo ay madaxdooda haatan ku sugan yihiin Asmara.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2911@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47725\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47725\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47726\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47727\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47729\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019isal Wasaaraha Is-bedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Axmed oo xilkan loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxaa uu gar-waaqsaday in la soo afjaro dagaal muddo ka badan 20 sano dalkiisa kala dhaxeeyay dowlad ay dariska yihiin ee Eritrea. Tallaabadan uu qaaday ra\u2019iisal wasaaraha Itoobiya marka laga soo tago faa\u2019iidada ugu jirta labada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":47891,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-47890","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47890","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47890"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47890\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":47893,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47890\/revisions\/47893"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47891"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47890"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47890"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47890"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}