{"id":47683,"date":"2018-07-01T23:47:06","date_gmt":"2018-07-01T20:47:06","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=47683"},"modified":"2018-07-01T23:47:17","modified_gmt":"2018-07-01T20:47:17","slug":"dagaalkii-ka-dhacey-deegaanka-tukaraq-oo-qaramada-midoobey-sheegtay-in-ay-ku-barakaceen-12-kun-qof","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/07\/dagaalkii-ka-dhacey-deegaanka-tukaraq-oo-qaramada-midoobey-sheegtay-in-ay-ku-barakaceen-12-kun-qof\/","title":{"rendered":"Dagaalkii Ka Dhacey Deegaanka Tukaraq oo Qaramada Midoobey Sheegtay in ay ku Barakaceen 12 kun Qof."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/qaramada-midobey.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47684\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/qaramada-midobey.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"371\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/qaramada-midobey.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/07\/qaramada-midobey-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/a>Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta qalalaase bani\u2019aadanimo oo laga baaqsan karo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cUgu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani\u2019aadanimo, sidaasi darteed wali waxaa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof, kuwaasi oo ay Hay\u2019adaha gargaarka ay daryeelayaan, waxan ugu baaqayaa dhinacyada inay aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale\u201d ayuu yiri Peter De Clerk.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad dhawr ah ay ku dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin rayid.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cXaalada haatan way kacsan tahay waxaana fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa jirtay in rasaas la is weedaarsaday isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin khilaafka weyn ee aan ka casbi qabno weli ma dhicin, waxaana colaada ka dhalan karta xaalad halis ah\u201d ayuu markale yiri Mr. De Clerk oo la hadlay VOA-da.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan in ay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta, inkastoo xabad joojinta aysan aheyn mid rasmi ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dalal iyo hey\u2019ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47613\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47613\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-9-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-4.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-4.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-4-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47615\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-4.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-4.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-4-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-4-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/hormuud-logo-4.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47616\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12 Kun oo qof. Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":47684,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-47683","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47683","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47683"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47683\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":47685,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47683\/revisions\/47685"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47684"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47683"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47683"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47683"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}