{"id":47250,"date":"2018-06-13T22:07:24","date_gmt":"2018-06-13T19:07:24","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=47250"},"modified":"2018-06-13T22:13:30","modified_gmt":"2018-06-13T19:13:30","slug":"xerooyin-ciidamadu-deganyihiin-oo-uu-kormeerey-rwasaare-xasan-cali-khayre","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/06\/xerooyin-ciidamadu-deganyihiin-oo-uu-kormeerey-rwasaare-xasan-cali-khayre\/","title":{"rendered":"Xerooyin Ciidamadu Deganyihiin oo uu Kormeerey R\/wasaare Xasan Cali Khayre."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/kormer-khayre.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-47251\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/kormer-khayre.jpg\" alt=\"\" width=\"948\" height=\"631\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/kormer-khayre.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/kormer-khayre-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 948px) 100vw, 948px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"justify\">Khayre oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada booliska, Taliyaha Asluubta, Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa dhammaan xarumahaasi oo uu booqday talisyadooda waxa uu ka dhageystay warbixino ku aadan qaabka ay u shaqeeyaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ku booqday ciidamo cusub oo ku soo biiray Booliska, wuxuuna ku dhiirageliyay shaqada culus ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cMudane Ra\u2019iisul Wasaare waxaa hortaada taagan ciidan boolis ah oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, oo laba dufcadood ah, waxayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlgaladda hada socda.\u201d ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhalinyaradan cusub ee Booliska ka tirsan in ay wax badan ku soo kordhin karaan arrimaha ciidamada, loogana faa\u2019ideysan karo dhinacyo badan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ciidamada u jeediyay hadal dardaaran ah ayaa trilmaamay in ay hortaallo shaqo culus, oo ah tan ugu wanaagsan ee muwaadin uu u qabto dalkiisa.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cCiidamada cusub ee la soo tababaray waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo, waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus, laakiin ah shaqada ugu wanaagsan ee qof uu u qabto dalkiisa, waxaan idinka rajeynayaa waxa la idin soo baray inaad uga faa\u2019ideyn doontaan shacabkiina.<\/p>\n<p align=\"justify\">Khayre ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay qaabka ay ula shaqeeyeen ciidanka xasilinta oo ay ugu dulqaateen baaritaanada lagu sameynayo gaadiidkooda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu adkeynayo amniga caasimadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47234\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47234\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47235\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47236\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed. Khayre oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada booliska, Taliyaha Asluubta, Masuuliyiin ka tirsan maamulka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":47251,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-47250","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47250","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47250"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47250\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":47253,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47250\/revisions\/47253"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47251"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47250"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47250"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47250"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}