{"id":4714,"date":"2011-12-04T15:14:57","date_gmt":"2011-12-04T15:14:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=4714"},"modified":"2011-12-04T15:15:02","modified_gmt":"2011-12-04T15:15:02","slug":"augustina-mahiga-oo-kulamo-la-qaaday-madaxda-soomaaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2011\/12\/augustina-mahiga-oo-kulamo-la-qaaday-madaxda-soomaaliland\/","title":{"rendered":"Augustina Mahiga oo kulamo la qaaday madaxda soomaaliland"},"content":{"rendered":"<p>\u00a0<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qarammadda Midoobay u qaabilsan Somalia Augustina Mahiga oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somalia Augustina Mahiga waxay ka wada hadleen dhawr qodob. Qodobka hore wuxuu ku saabsanaa shirkan labada maalmood ah ee ka socday magaalada Hargeysa ee lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo Ha\u2019yadaha dhinaca ammaanka ee beesha caalamkuna khubarada u soo direen inay gacan ka geystaan ayuu qodobka hore ee kulanka madaxweynaha iyo wakiilka qaramada midoobay ka wada hadleen,\u201dayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland \u00a0Maxamed Cabdilaahi Cumar oo galabta u waramayay warbaahinta<\/p>\n<p>\u201cMr. Mahiga waxa uu ka waramay sida ay beesha caalamku u taageersan tahay nabadgelyada ka jirta Somaliland waxaanu sheegay inay qaramada midoobay gacan weyn ka geysan doonto sidii ay ula shaqayn lahayd Somaliland ee loo sii adkayn lahaa nabadgelyada iyo Ha\u2019yadaha nabadgelyada qaabilsan,\u201dayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.<\/p>\n<p>\u00a0Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha Somaliland uga waramay Wakiilka qorshihii shan sanadoodlaha ahaa ee xukuumaddu samaysay waxaanu yidhi \u201cMadaxweynuhu wuxuu uga waramay wakiilka qarrammadda midoobay qorshaha shan sanadoodlaha ah ee ay xukuumadda Somaliland ay dhigatay gaar ahaan wuxuu tafaasiil ka siiyay qorshaha xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso adeegyadda bulshada iyo Ha\u2019yadaha amnigaba.\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale, waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C\/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0 Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Qarammadda Midoobay u qaabilsan Somalia Augustina Mahiga oo socdaal qaatay muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland. \u201cMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo wakiilka Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Somalia Augustina Mahiga waxay ka wada hadleen dhawr qodob. Qodobka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-4714","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4714","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4714"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4714\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4720,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4714\/revisions\/4720"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4714"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4714"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4714"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}