{"id":47090,"date":"2018-06-07T01:46:10","date_gmt":"2018-06-06T22:46:10","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=47090"},"modified":"2018-06-07T01:51:06","modified_gmt":"2018-06-06T22:51:06","slug":"warbixin-la-xiriirta-dhaq-dhaqaaqyo-siyaasadeed-oo-ka-bilawdey-qoomiyadaha-dalka-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/06\/warbixin-la-xiriirta-dhaq-dhaqaaqyo-siyaasadeed-oo-ka-bilawdey-qoomiyadaha-dalka-itoobiya\/","title":{"rendered":"Warbixin La Xiriirta Dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed oo Ka Bilawdey Qoomiyadaha Dalka Itoobiya."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/cabdi-illey.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-47092\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/cabdi-illey.jpg\" alt=\"\" width=\"991\" height=\"619\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/cabdi-illey.jpg 639w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/cabdi-illey-300x187.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 991px) 100vw, 991px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Tan iyo intii uu xilka la wareegay Ra\u2019isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa guud ahaan Itoobiya laga dareemaya furfurnaan dhinaca xoriyatul qawl ah iyo siyaasadda oo muddo dheer aanay ka jirin,isla markaana ay adkayd in Itoobiya dhexdeedda laga dhex dhaliilo nidaamka jira ama dadku ay sameeyaan mudaharaadyo salmi ah oo ku muujinayaan dareenkoodda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Furfurnaanta la dareemay iyo nidaamka cusub ee uu doonayo inuu u shaqeeyo Ra\u2019isal wasaaraha Itoobiya waxay fursad fiican u arkay dadkii ku kacsanaa madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo guddo iyo dibada iskaga yimid si ay xilka uga tuuraan, waxaanay dacwado u gudbiyeen hogaanka cusub ee Itoobiya yeelatay ee fadaraalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">In ka badan afar boqol oo qof oo iskugu jira siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qurbo joog ayaa shirk u qabsaday magaaladda Addis-ababa, si ay dacwad ka dhan ah madaxweyne Cabdi Maxamed CUmar u gudbiyaan, waxaanay si aan gabasho lahayn ama qarsoodi lahayn Addis dhexdeeda uga hadleen siday ugu kacsan yihiin madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar iyo inay Addis u joogaan sidii ay w xilka uga qaaddi lahaayeen madaxweynaha kililka shanaad.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hore umay dhici jirin shakhsi mucaarad ku ah Cabdi Maxamed Cumar inuu Addis yimaado, haseyeeshee isbedelka dhacay waxay soomaalidii ku dhiirigalisay inay Addis siday doonaan uga dhex hadlaan,isla markaana ku soo bandhigaan eedaha ay u hayaaan Cabdi Maxamed Cumar.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale, degmooyinka Soomaalidda Itoobiya qaarkood ayaa laga dhigay mudaharaad ay ku diidan yihiin nidaamka madaxweynaha deegaanka, taas oo iyana aan hore u dhici jirin, halka taas bedelkeeda ay jireen mudaharaadyo lagu taageerayo madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar, kuwaas oo isla magaalo ka wada dhaceen mudaharaadyo iska soo horjeedda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhaqdhaqaaqan lagaga soo horjeedo Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar wuxuu sii xoogaystay intii ay geeriyootay Tayasiir Cumar Food oo ku noolayd magaaladda Qabri tahare oo bishii May,11,2018 Ciidanka magaaladdu xabsiga u taxaabeen muddo gaaban gudaheedna xaafadoodii lagu soo celiyey gabadhii oo mayd ah, taasina waxay kicisay dadweynihii magaaladda illaa markii dambe ay soo farogaliyeen buuqa ka taagan dhimashada geeridda ciidamada fadaraalka, kuwaas oo wada hadal dheer ka dib la ogolaaday in marxuumadda la aaso.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kooxahan maalmihii u dambeeyey ku shirayey magaaladda Addis ababa waxay ka midaysan yihiin sidii xilka uga xayuubin lahaayeen madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda, kuwaas oo dhaliilo badan dusha ka saaray hogaanka dawlad deegaanka iyo ciidanka Liyuu booliska.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cwaxaan idin sheegaya dadka aabo leh Cabdi Maxamed Cumar inay ilaahay u toobad keenaan isagu idin muu dhaline, Liyu booliska waxaan leeyahay aabaha iska daaya, oo kufsiga iska daaya iyo dilka dadkeena u gaysanayaan.\u201d Ayuu yidhi Oday Cali Shucaac oo ka tirsan odayaasha dawlad deegaanka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hanti dhawrihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cadnaan ayaa isna sheegay in toban sanno aanu tagin deegaankiisii, isagoo xusay in aanu garanayn sabab loogu diido dhulkiisa, waxa kale oo uu tilmaamay in gaadiidkisia lagu haysto Jig-jiga.<\/p>\n<p align=\"justify\">Si kastaba ha ahaatee, horey uma dhici jirin in nin mucaarad ku ah madaxda Itoobiya ama kililada ka jira Itoobiya ka dhex hadlo Itoobiya dhexdeedda, taasina waxay muujinaysa isbedelka ka muuqda Itoobiya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhinaca kale, madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar waa madaxweynihii ugu mudadda dheeraa ee dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya soo mara, taas ayaa keentay in guddo iyo dibada la iska soo abaabulo sidii xika looga tuuri lahaa, waxaana dad faro badan oo ku kacsan joogaan Addis, kuwaas oo ku rajo qabo in aragtidoodda la qaadan doonno.<\/p>\n<p align=\"justify\">Cabdi Maxamed CUmar ayaa isaguna dareensan kacdoonka ku socda, waxaanu ku dadaalayaa sidii uu xilkiisa u sii haysan lahaa, waxaana jira taageerayaal badan oo uu ku leeyahay guddaha iyo Dibadda, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey baraha bulshaddaa ku amaanayey waxqabadka uu ka muujiyey dawlad deegaanka Soomaalida intii uu xilka hayey.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kacdoonka ka jira kililka shanaad waxa la sugi doona halka uu ku biyo shubto iyo cidda guulaysan doonta labadda dhinac ee siyaasadda kililka shanaad isku haysata, waxaana la huba inay guulaysan doonta cidda ay badhi taarto dawladda fadaraalka Itoobiya.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47001\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47001\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47002\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47003\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47004\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo intii uu xilka la wareegay Ra\u2019isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa guud ahaan Itoobiya laga dareemaya furfurnaan dhinaca xoriyatul qawl ah iyo siyaasadda oo muddo dheer aanay ka jirin,isla markaana ay adkayd in Itoobiya dhexdeedda laga dhex dhaliilo nidaamka jira ama dadku ay sameeyaan mudaharaadyo salmi ah oo ku muujinayaan dareenkoodda. Furfurnaanta la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":47092,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-47090","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47090","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47090"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47090\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":47094,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47090\/revisions\/47094"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47092"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47090"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47090"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47090"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}