{"id":47083,"date":"2018-06-07T00:03:18","date_gmt":"2018-06-06T21:03:18","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=47083"},"modified":"2018-06-07T00:23:45","modified_gmt":"2018-06-06T21:23:45","slug":"shirkii-kusoo-dhamaadey-baydhabo-iyo-qodobo-muhiim-ah-oo-kasoo-baxey-akhriso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/06\/shirkii-kusoo-dhamaadey-baydhabo-iyo-qodobo-muhiim-ah-oo-kasoo-baxey-akhriso\/","title":{"rendered":"Shirkii Kusoo Dhamaadey Baydhabo iyo Qodobo Muhiim ah oo Kasoo Baxey (Akhriso)."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/gabangabo-shir-bay.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-47084\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/gabangabo-shir-bay.jpg\" alt=\"\" width=\"952\" height=\"634\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/gabangabo-shir-bay.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/gabangabo-shir-bay-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 952px) 100vw, 952px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ku soo dhamaaday shirkii Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Shirka ayaa lagu soo saaray war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayay oo ay ku xusnaayeen qodobadii ay isku afgarteen madaxdii kulanka ka qeybgashay ee dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hadaba qodobada shirka leysku afgartay ayaa waxaa ugu muhiimsanaa arimaha amniga iyo ladagaalanka wax lagu tilmaamay argagaxisada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay qayb ka noqon doonaan howgal lagu furayo wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna ciidankaasi hoostagayaan taliska guud ee ciidanka xooga dalka ee meleteriga<\/p>\n<p align=\"justify\">Gudiga Qaranka ee iskudhafka ciidamada ayaa go&#8217;aanada shirka ka soo baxay lagu faray in ay la yimaadaan qorshe howleed mudo Sodon maalmood gudahooda ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Qodobka kale oo muhiim ahaa ayaa isna lagu sheegay in dowladda dhexe ay ciidamada maamul goboleedyada ka caawin doonto hub,saanad,agab ciidan,raashindawo,guno, tababar iyo tayayba.<\/p>\n<p align=\"justify\">War-murtiyeedka sidoo kale waxaa ku xusnaa in deegaannad Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kalaguurka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Qodobka kale oo dhaqaalaha dalka ku saabsanaa ayaa lagu sheegay in la go&#8217;aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa kaloo lagu qoray heshiiskan in la hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, balse lama sii qeexin suurtogalnimada arinkani.<\/p>\n<p align=\"justify\">Heshiiskan ayaa imanaya xili ay weli kala taagan yihiin maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, shirkan Baydhabana laguma soo qaadin arimaha sida gaarka ah ay isugu hayaan labada dhinac.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa sidoo kale qodobada heshiiskan ka muuqda kuwo shirarkii hore looga hadlay balse weli aanan la hirgelinin.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47001\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47001\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47002\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47003\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-47004\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/06\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ku soo dhamaaday shirkii Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirka ayaa lagu soo saaray war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayay oo ay ku xusnaayeen qodobadii ay isku afgarteen madaxdii kulanka ka qeybgashay ee dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada. Hadaba qodobada shirka leysku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":47084,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-47083","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47083","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47083"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47083\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":47086,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47083\/revisions\/47086"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47084"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47083"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47083"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47083"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}