{"id":45587,"date":"2018-04-13T07:02:18","date_gmt":"2018-04-13T04:02:18","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=45587"},"modified":"2018-04-13T07:02:46","modified_gmt":"2018-04-13T04:02:46","slug":"wasiiru-dawlaha-arrimaha-debedda-imaaraadka-anwar-gargash-oo-ku-eedeeyey-xukuumadda-soomaaliya-in-ay-abuureyso-xiisad-aan-loo-baahnayn","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/04\/wasiiru-dawlaha-arrimaha-debedda-imaaraadka-anwar-gargash-oo-ku-eedeeyey-xukuumadda-soomaaliya-in-ay-abuureyso-xiisad-aan-loo-baahnayn\/","title":{"rendered":"Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda Imaaraadka Anwar Gargash oo ku eedeeyey Xukuumadda Soomaaliya in ay Abuureyso Xiisad aan loo Baahnayn."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/anwar.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-45588\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/anwar.jpg\" alt=\"\" width=\"936\" height=\"526\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/anwar.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/anwar-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 936px) 100vw, 936px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta\u00a0 Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is fahamkii ka dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cXukuumadda Soomaaliya ee xilligan waxa ay ku sameysay xadgudubyo badan hababka iyo isfahanno hore oo sal adag oo ay la gashay dowladda Imaaraadka, waxaa ay abuurtay caqabado aan loo baahnayn in loola bareero saaxiib iyo isbaheysi u istaagay deganaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya xilli aad u xun, waxaa aan ugu baaqeynaa in garaadka iyo caqliga uu shaqeeyo\u201dayuu yiri Anwar Gargash qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka<\/p>\n<p align=\"justify\">Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Axadii la soo dhaafay ay siday lacag gaareysa $ 9.6 milyan, oo loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baareyso halka lacagta u socotay, meesha ay ka timid iyo danta laga lahaa, iyadoo lacagtaas oo saddex boorso ku jirtay la geeyay Bankiga Dhexe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xiriirka labada dal oo bilihii la soo dhaafay waxooga mugdi ku jiray ayaa hada meel xun gaaray, waxaana xiisad diblomaasiyadeed ay sii xoogeysatay, maalintii Axadii, xilligaasoo diyaarad Imaaraadka Carabta laheyd oo lacag waday lagu qabtay garoonka, waxaana tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45564\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/salaam-1-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45563\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/salaam-1-2.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/salaam-1-2.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/salaam-1-2-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45564\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/beec21-150x150-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/som-tell-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45565\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/som-tell-2.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/som-tell-2.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/som-tell-2-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/som-tell-2-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/hormuud-logo-2.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45566\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/04\/hormuud-logo-2.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta\u00a0 Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":45588,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-45587","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45587","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=45587"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45587\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":45590,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45587\/revisions\/45590"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/45588"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=45587"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=45587"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=45587"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}