{"id":45147,"date":"2018-03-27T00:05:48","date_gmt":"2018-03-26T21:05:48","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=45147"},"modified":"2018-03-27T00:06:49","modified_gmt":"2018-03-26T21:06:49","slug":"xarun-cusub-ayna-ku-hawl-gali-doonaan-gudiga-madaxa-banaan-ee-doorashooyinka-qaranka-soomaaliya-oo-maaanta-xariga-laga-jarey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/03\/xarun-cusub-ayna-ku-hawl-gali-doonaan-gudiga-madaxa-banaan-ee-doorashooyinka-qaranka-soomaaliya-oo-maaanta-xariga-laga-jarey\/","title":{"rendered":"Xarun Cusub ayna Ku Hawl Gali Doonaan Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo Maaanta Xariga Laga Jarey."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45151\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3.png\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3.png 1280w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3-300x169.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3-768x432.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3-1024x576.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><\/a>Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C\/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey)\u00a0 ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa Mas\u2019uuliyiin ka socotay Hay\u2019adda Qaramada Midoobay ee UNOPS oo hirgelineysay mashruuca dhismaha xaruntaan.<\/p>\n<p>Muhiimada dhismaha xaruntaan ayaa waxay tahay sidii loogu adeegi lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo in Guddiga uu helo xarun ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan,maadaama ay u yaalaan howlo badan,taasi oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.<\/p>\n<p>Madaxa Mashruuca\u00a0 Hay\u2019adda UNOPS oo fulineysay dhismaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka ay ku talaabsanayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<div><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-9140042942832455\" data-ad-slot=\"2034855803\" data-adsbygoogle-status=\"done\"><\/ins><ins id=\"aswift_2_expand\"><\/ins><ins id=\"aswift_2_anchor\"><iframe id=\"aswift_2\" name=\"aswift_2\" width=\"336\" height=\"280\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/ins><\/div>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa ku bogaadiyay Guddiga shaqada ay hayaan loogana baahan yahay in ay horey u socdaan Isagoo ku Amaaney Hawlaha La Tashiyada Dadweynaha Gudaha iyo Debedda ay la yeesheen,Muddooyinkii Dhawaa Taas oo Dhiiri Gelineysa Is Aaminaadda iyo Kalsoonida Umadda Soomaaliyeed ay Ku Qabi karaan In Doorasho Xor iyo Xalaal ahi Dalka ka Dhici karto,Taas oo Ammaanteeda ay Yeelan Doonaan Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ay Hugaamiso Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Xaajiyo Xaliimo Yareey).<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo iyadane ka hadashay munaasabada xarig jarka ayaa uga mahad celisay Dowladda Soomaaliyeed oo dhulka siisay sidoo kale sheegtay in ay fududeyn doonta howlaha loo ikmaday<strong>.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201c\u00a0<\/strong>Runtii marka doorasho la qabanayo waxaa loo baahan yahay goob lagu shaqeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay\u2019adda UNOPS waxaana uga mahad celineynaa dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah howlaha adag ee horyaala Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana aamisanahay in haddii ay dhacdo doorasho xor ah in Shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan mudanaha ay aaminsan yihiin\u201d,ayay tiri Xaliimo Yareey.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C\/raxmaan Cumar Cismaan (Enjineer Yariisoow) ayaa xusay in si ay doorasho uga dhacdo dalka loo baahan yahay in Guddiga uu helo meel ku haboon si ay u qabtaan shaqo hufnaan leh<strong>.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201c\u00a0<\/strong>Dowladda Federaalka iyo Hay\u2019adaha caalamka waxaa laga rabaa si doorasho hal qof iyo hal cod u dhacdo ,kow waxaa lagu tijaabinayaa sida Guddiga doorashooyinka xaruntoodii loogu heli lahaa xarun u qalanta loogu dhisi lahaa si Hay\u2019adda ay u noqoto Hay\u2019ad jirta,runtii Guddiga waxaa ugu mahad celineynaa dadaalkooda iyo mudadii Guddiga uu soo jiray ee daruufaha adag ku shaqeyneyseen iyo sidaad u shaqeyseen sidaad u diyaariseen barnaamijkii doorashooyinka hadana aad ku jirtaan nuuca doorasho ee Soomaaliya qaadan lahayd daraasadeeda,\u201d Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .<\/p>\n<p>Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya xarumo ku meel gaar ah, hase yeeshee xaruntaan ayaa wax badan ka bedeli doonto markii ay dhamaato dhismaheeda shaqada adag uu guddiga u haayo shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45017\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44915\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44916\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44917\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44918\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45148\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"539\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka.jpg 960w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka-300x168.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka-768x431.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45149\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka1.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"539\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka1.jpg 960w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka1-300x168.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka1-768x431.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45150\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka2.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"539\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka2.jpg 960w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka2-300x168.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka2-768x431.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-45151\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3.png\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3.png 1280w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3-300x169.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3-768x432.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/g-dorashoyinka3-1024x576.png 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C\/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey)\u00a0 ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa Mas\u2019uuliyiin ka socotay Hay\u2019adda Qaramada Midoobay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":45148,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-45147","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45147","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=45147"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45147\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":45152,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45147\/revisions\/45152"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/45148"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=45147"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=45147"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=45147"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}