{"id":45033,"date":"2018-03-22T20:00:33","date_gmt":"2018-03-22T17:00:33","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=45033"},"modified":"2018-03-22T20:05:16","modified_gmt":"2018-03-22T17:05:16","slug":"khilaafka-u-dhaxeeya-xukuumadda-iyo-barlamaanka-iyo-mooshinkii-gudoomiye-jawaari-oo-meel-gaban-gabo-ah-maraya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/03\/khilaafka-u-dhaxeeya-xukuumadda-iyo-barlamaanka-iyo-mooshinkii-gudoomiye-jawaari-oo-meel-gaban-gabo-ah-maraya\/","title":{"rendered":"Khilaafka U Dhaxeeya Xukuumadda iyo Barlamaanka iyo Mooshinkii Gudoomiye Jawaari oo Meel Gaban Gabo ah Maraya."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/barlaman-khilaaf.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-45034\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/barlaman-khilaaf.jpeg\" alt=\"\" width=\"934\" height=\"515\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/barlaman-khilaaf.jpeg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/barlaman-khilaaf-300x165.jpeg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 934px) 100vw, 934px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa fariin u diray xildhibaannada fasaxa ku maqan ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo in cod la galiyo mooshinka ka dhanka ah Prof Maxamed Cismaan Jawaari.<\/p>\n<p align=\"justify\">Cabdiwali Muudeey ayaa shirkiisa jaraa\u2019id ku sheegay in uu yahay ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka taasoo sii xumeysay xiisadii markii horeba ka dhax jirtey labada dhinac.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sharci ahaanshaha sheegashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh oo sheegey in Muudeey yahay ku-simaha guddoomiyaha Baarlamaanka, madaama uu mooshin ka yaalo guddoomiyihii Golaha Shacabka.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cSida ku xusan Qodobka 8aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, wixii ka billowday bisha Maarso 18keedii, Mudane Cabdiwali Muuddeey aa ah kusimaha Afhayeenka Golaha Shacabka, maadaama uu Mooshin ka yaal Jawaari, waxaa markhaati madoontaan ah in hay\u2019adaheenna dowliga\/Dastuuriga ah eey Qaan gaareen\u201d ayuu yiri Wasiir Xoosh oo aan aheyn xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Laakiin dood kale oo dhinaca sharciga ah ayaa oraneysa in Jawaari yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Shacabka inta uu ka weynayo codka kalsoonida xildhibaannada Baarlamaanka, wixii xiligaa ka danbeeyana Muudeey uu noqonayo ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xiisada ayaa hadda gaartay heerkeedii ugu sareeysay iyo meel aan gorgortan iyo waanwaan laga gali karin sida uu qabo xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo asalka mooshinka ku sheegay fariin qaldan oo gaartay xukuumadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8221;Arinku wuxuu u eg yahay qaniinyo ..qaniinyo ayaa kaa fujisa, xukuumadda oo tuhun ka qabtay ay jiraan xildhibaanno diyaarinaya mooshin ka dhan ah ayaa soo abaabushay mooshinkan danbe ee laga keenay guddoomiyahay Golaha Shacabka ayuu yiri xildhibaan Cilmi oo sheegey in uusan jirin mooshin ay xildhibaanno wadeen oo ka dhan ahaan xukuumadda Kheyre.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee saxiixay mooshinka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xukuumada qeyb ka tahay khalalaasaha ka dhax oogan Golaha Shacabka, isaga oo intaa ku daray in golaha Wasiirada wax ka saxiixay mooshinka ay ka badneyn Tobaneeyo Wasiiro ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Laakiin xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa xildhibaannadii saxiixay mooshinka laakiin sheegay in uu ka laaabtey ayaa su\u2019aal ka keenay xiliga lagu soo baraarugay mooshinkan oo sida uu hadalka u dhigay lagu soo beegay waqti kooban uun kaddib markii uu Golaha Shacabku isku raacay in dalka laga saaro shirkadda DP World.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa wali ku adkeysanaya in mooshinka cod la galiyo, isaga oo meesha ka saaray in arinka lagu dhameeyo xeer jajab iyo in uu is casilayo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Todobadka danbe ayaa la filayaa in la soo afjaro xiisada siyaasadeed ee Golaha Shacabka oo saameyn weyn ku yaalatay howlihii kala duwanaa Labada Gole.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44916\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44916\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44915\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44917\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44918\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa fariin u diray xildhibaannada fasaxa ku maqan ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo in cod la galiyo mooshinka ka dhanka ah Prof Maxamed Cismaan Jawaari. Cabdiwali Muudeey ayaa shirkiisa jaraa\u2019id ku sheegay in uu yahay ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka taasoo sii xumeysay xiisadii markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":45034,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-45033","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45033","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=45033"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45033\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":45036,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/45033\/revisions\/45036"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/45034"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=45033"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=45033"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=45033"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}