{"id":44825,"date":"2018-03-12T21:36:11","date_gmt":"2018-03-12T18:36:11","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=44825"},"modified":"2018-03-12T21:39:55","modified_gmt":"2018-03-12T18:39:55","slug":"maamulka-degmada-beledxaawo-oo-maalintii-sadexaad-meel-fagaare-ah-qaad-ku-gubaya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/03\/maamulka-degmada-beledxaawo-oo-maalintii-sadexaad-meel-fagaare-ah-qaad-ku-gubaya\/","title":{"rendered":"Maamulka Degmada Beledxaawo oo Maalintii Sadexaad Meel Fagaare ah Qaad Ku Gubaya."},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: large;\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/qaad-la-gubey-beledxawo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-44826\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/qaad-la-gubey-beledxawo.jpg\" alt=\"\" width=\"899\" height=\"406\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/qaad-la-gubey-beledxawo.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/qaad-la-gubey-beledxawo-300x135.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 899px) 100vw, 899px\" \/><\/a><\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Masuliyiinta mamulka Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay qaad gaaraya ilaa 25 Jawaan, kaa oo la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka gobolka Gedo sida Doolow, Luuq iyo degmooyin kale oo ka tirsna gobolkaasi ayadoo maalintii afaraad ay xiranyihiin dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga ee degmooyinka Baladxaawo iyo Mandheera.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Saraakiil ka tirsan ciidamada nabadgelyada degmadaasi oo goobtii lagu gubayay Qaadka kula hadlay dadweeynihii halkaasi isugu yimid ayaa sheegay in ololaha ka dhanka ah Qaadka uu socon doono, ayagoo ku baaqay in laga fogaado in ganacsi ahaan loo keeno Qaadka degmooyinka gobolka Gedo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Taliyaha nabadsugidda gobolkaasi Cali Xasan Deer ayaa sheegay in\u00a0 waxyeelada qaadka u geeysanayo bulshada ay tahay mid baaxad leh, isagoo xusay in dhowrkii maalin ee qaadka laga waayay degmooyinka gobolka Gedo la dareemayo isbadallo dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Saraakiisha ayaa uga digay ganacsatada\u00a0 gobolkaasi in ay lacagahooda geliyaan Qaadka, isagoo sheegay in goobtii lagu sheego Qaad ay ciiidamadu tagi doonaan, islamarkaana ku gubi doonaan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo ganacsatada Qaadka kula hadlay Mandheera ayaa la sheegay in ay ku wargeliyeen in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin in Qaadka laga mamnuuco gobolka Gedo, ayagoo sheegay in Qaadka ay cunto Soomaalida, ayna tahay wax aysan ka maarmi karin.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Qaadka oo ka baxa beero ku yaal dalka Kenya ayaa ganacsi ahaan loogu soo dhoofiyaa Soomaaliya, ayadoo ay kasoo xaroodaan dhaqaale aad u badan.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyay in bishiiba Soomaaliya ay aadaan 540 Duulimaad oo sida Qaad, waxaana Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee ganacsiga Qaadka dalkaasi Kenya.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sanaddii tagtay ee 2017 ku yaboohay lacago dhan 1.5 Billion oo lacagta Kenya ah, in lagu maalgeliyo beeraha uu qaadka ka baxo ee dalkaasi.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Dabayaaqadii sanaddii tagtay ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ka mamnuucday dalka in ay kasoo dagaan diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya, taa oo sababtay in malaayiin doollar ay qasaaraan ganacsatada qaadka dalkaasi, kuwaa oo markii danbe dhigay dibadbaxyo ay dowladda Kenya uga dalbanayeen in dowladda Soomaaliya ay kala hadasho sidii dib loogu fasixi lahaa ganacsiga dhanka Qaadka, waxaana dowladda Soomaaliya ay dib ka fasaxday duulimaadyadii Qaadka.<\/span><\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44706\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44705\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44705\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44707\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44708\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; Masuliyiinta mamulka Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay qaad gaaraya ilaa 25 Jawaan, kaa oo la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka gobolka Gedo sida Doolow, Luuq iyo degmooyin kale oo ka tirsna gobolkaasi ayadoo maalintii afaraad ay xiranyihiin dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":44826,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-44825","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44825","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=44825"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44825\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":44827,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44825\/revisions\/44827"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/44826"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=44825"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=44825"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=44825"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}