{"id":44418,"date":"2018-02-24T01:11:08","date_gmt":"2018-02-23T22:11:08","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=44418"},"modified":"2018-02-24T01:12:17","modified_gmt":"2018-02-23T22:12:17","slug":"wada-tashi-gudiga-mdaxa-banaan-ee-doorashooyinka-qaranku-la-yeesheen-gobolada-iyo-degmooyinka-dalka-oo-muqdisho-lagu-soo-gaban-gabeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/02\/wada-tashi-gudiga-mdaxa-banaan-ee-doorashooyinka-qaranku-la-yeesheen-gobolada-iyo-degmooyinka-dalka-oo-muqdisho-lagu-soo-gaban-gabeeyey\/","title":{"rendered":"Wada Tashi Gudiga Mdaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranku La Yeesheen Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo Muqdisho lagu Soo Gaban Gabeeyey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUDI-DORASHO-WADATASHI.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-44419\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUDI-DORASHO-WADATASHI.jpg\" alt=\"\" width=\"842\" height=\"561\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUDI-DORASHO-WADATASHI.jpg 630w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/GUDI-DORASHO-WADATASHI-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 842px) 100vw, 842px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho e Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow ayaa soo xiray kulammadii wadatashiga dadweynaha ee ay wadeen Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo dhacay dalka oo dhan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kulammadaas ayaa intii ay socdeen diiradda lagu saaray qorshaha Istaratiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku aaddan waddooyinka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorashooyin qof iyo codkiisa sanadka 2020.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiye Eng. Yariisoow oo munaasabadda xiritaanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in kulamadani ay dhabaha u xaari doonaan sidii loo heli lahaa tallooyin wanaagsan oo ay isku raacsan yihiin dadweynaha Soomaaliyeed, waxuna uga mahadceliyey guddiga kulamadii wadatashiga ee ka dhacay G\/Benaadir ee bulshada lagu weydiinayey tallooyinka.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaa jirta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed talada dib loogu celiyo si ay go\u2019aan uga gaaraan cidda matalaysa, maamulka G\/Benaadir na qorshihiisu waa in taladu ay dib ugu noqoto shacabka. Muqdisho waa muraayaddii midnimada iyo wadajirka ummadda, waana in ay horseed ka noqoto doorashoyinka dhacaya sanadka 2020\u201d.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxa uu kula dar-daarmay dadkii ka faa\u2019iideystay wadatashiyadan in dib ay ugu celiyaan talada degmooyinkii ay ka yimaadaan, si shacabku ay ugu sii diyaar garoobaan una bartaan wax-yaabaha looga baahan yahay si ay doorashadu u dhacdo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay si loo gaaro doorashooyin guud oo dhaca sanadka 2020 in loo baahan yahay caqabadaha jira in looga gudbi karo isku tanaasul, dulqaad iyo in qof walba ogaado danta ugu jirta sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore.<\/p>\n<p align=\"justify\">Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, xubnaha guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka iyo Maamulka sare ee gobolka Benaadir.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44412\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-4.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-4.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-4-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44411\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44411\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44413\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-4.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-4.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-4-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-4-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/hormuud-logo-4.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44414\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho e Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow ayaa soo xiray kulammadii wadatashiga dadweynaha ee ay wadeen Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo dhacay dalka oo dhan. Kulammadaas ayaa intii ay socdeen diiradda lagu saaray qorshaha Istaratiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":44419,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-44418","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44418","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=44418"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44418\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":44421,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44418\/revisions\/44421"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/44419"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=44418"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=44418"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=44418"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}