{"id":44180,"date":"2018-02-16T22:43:59","date_gmt":"2018-02-16T19:43:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=44180"},"modified":"2018-02-16T22:45:19","modified_gmt":"2018-02-16T19:45:19","slug":"ciidamada-amniga-oo-gacanta-ku-dhigey-rag-la-sheegey-in-ay-muqdisho-dil-ka-geysteen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/02\/ciidamada-amniga-oo-gacanta-ku-dhigey-rag-la-sheegey-in-ay-muqdisho-dil-ka-geysteen\/","title":{"rendered":"Ciidamada Amniga oo Gacanta ku Dhigey Rag la Sheegey in ay Muqdisho Dil ka Geysteen."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/agaasime-la-weerarey.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-44123\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/agaasime-la-weerarey.jpg\" alt=\"\" width=\"889\" height=\"501\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/agaasime-la-weerarey.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/agaasime-la-weerarey-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 889px) 100vw, 889px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay rag hubeysan oo Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka duhurnimadii shalay ku dilay Isgoyska Baar-ubax oo ku dhow Agagaarka Masjidka Xareed.<\/p>\n<p align=\"justify\">Afhayeenka Wasaaradda Amniga C\/casiis Xildhibaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ragga dilka ka dambeeyay in ay ahaayeen Shan nin, laamaha amnigana durbadiiba ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan Saddex ka mid ah raggaasi.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu ku goodiyay Afhayeenka in ay baxsadeen labada nin ee kale balse ciidamada ammaanka ay ku baxeen oo ay ku daba jiraan, si deg deg ahna gacanta loogu soo dhigi doono.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu sheegay qabashada raggan in ay ku suuragashay xog ay ka heleen shacabka, kadibna ay ku baxeen ciidamo dowladda Federaalka ka tirsan oo aaggaasi aanan ka fogeyn, sidaasina gacanta loogu soo dhigay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Afhayeenka intaa ku daray in hada ay ku jiraan mid ka mid ah xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho, si deg deg ahna sharciga loo horkeeni doono, si loo marsiiyo ciqaabta dambigii ay galeen.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cSida aad la socotaan laamaha amniga waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Saddex ka mid ah Shan nin oo Askari ka tirsanaa Ciidamada Soomaaliya ku dilay Agagaarka Carwo Iidka, ciidamada kama fogeyn goobta uu dilka ka dhacay, raggan waxa ay ku jiraan gacanta Hay\u2019adaha ammaanka, ayuu yiri afhayeenka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Inta badan waxaa la maqlaa rag ayaa dil geystay, hay\u2019adaha ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay, balse lama arko oo warbaahinta looma soo bandhigo run ahaanshaha in gacanta lagu soo dhigay raggii dilka geystay, iyada oo aanay jirin cid wax iska weydiisa, oo halkaasi looga sii socdo.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44071\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44072\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-2.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-2.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/salaam-1-2-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44073\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-2.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-2.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-2-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/som-tell-2-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/hormuud-logo-2.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-44074\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/hormuud-logo-2.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0 Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay rag hubeysan oo Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka duhurnimadii shalay ku dilay Isgoyska Baar-ubax oo ku dhow Agagaarka Masjidka Xareed. Afhayeenka Wasaaradda Amniga C\/casiis Xildhibaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ragga dilka ka dambeeyay in ay ahaayeen Shan nin, laamaha amnigana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":44123,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-44180","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44180","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=44180"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44180\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":44182,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/44180\/revisions\/44182"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/44123"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=44180"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=44180"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=44180"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}