{"id":43816,"date":"2018-02-02T18:09:57","date_gmt":"2018-02-02T15:09:57","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=43816"},"modified":"2018-02-02T18:12:15","modified_gmt":"2018-02-02T15:12:15","slug":"taliyihii-hore-ee-hayadda-nabasugidda-sanbaloolshe-oo-wareysi-dhinacyo-badan-taabanaya-siiyey-warbaahinta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/02\/taliyihii-hore-ee-hayadda-nabasugidda-sanbaloolshe-oo-wareysi-dhinacyo-badan-taabanaya-siiyey-warbaahinta\/","title":{"rendered":"Taliyihii Hore ee Hay&#8217;adda Nabasugidda Sanbaloolshe oo Wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya Siiyey Warbaahinta."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/sanballollshe.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-43818\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/sanballollshe.jpg\" alt=\"\" width=\"923\" height=\"522\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/sanballollshe.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/02\/sanballollshe-300x170.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 923px) 100vw, 923px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyihii hore ee hay\u2019adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay cida leh mas\u2019uuliyadii Itoobiya loogu gacan galiyay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa diiday in uu cid gaar ah farta ku fiiqo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu sheegay in go\u2019aankaasi ahaa mid dowladdeed looguna daneynayay Amniga Qaranka, balse waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro mas\u2019uul ka tirsan dowladda oo arintaa si gaar ah ugu lug lahaa.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Ma rabo in aan cid gaar ah farta ku fiiqo, waayo waad og-tihiin golaha Wasiirada ayaa fariistay oo go\u2019aan arintaa ka soo saaray, marka Anniga shaqsiyan dowladda ayaan waqtigaa ka tirsanaa go\u2019aan dowladda ka madax-bannaan oo aan qaadan karay-na ma jirin\u2019\u2019 ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Mar wax laga weydiiyay sababta ilaa iyo hadda madax-da Qaranku ugu dhiiran la\u2019yihiin magacaabista taliyaha Nabad-sugida ayuu sheegay in su\u2019aashaa ay ku wacnaan-laheyd in la weydiiyo madax-da Qaranka, laakiin isaga ay la tahay in wali la\u2019yahay cid lagu aaminno xilkaas ama laga yaabo in ay jiraan shaqsiyaad magacaaban laakiin bulshadu aysan ka warqabin.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in marnaba uusan ka hadal xiisada ka taagan deegaanka Tukarraq oo dagaal culus uu ka dhacay isaga oo ku sugan magaalada Garoowe arintaan oo ku tilmaamay in ay aheyd mas\u2019uuliyad daro.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Socdaalka madaxweynaha uu ku tagay gobollada dalka waxaa loogu magac-daray dib-u-heshiisiin, waa wax fiican, laakiin waad ogtihiin isaga oo jooga Garoowe ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Tukarraq, marnaba madaxweynuhu kama uusan hadal, arintaa oo noqon karta mas\u2019uuliyad darro\u2019\u2019 ayuu yiri Sanbaloolshe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wuxuu ka digay in la caburiyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed isaga oo sheegay in qofku xor u yahay in uu cabiro aragtidiisa siyaasadeed, isaga oo tallaabo lagu deg deg ku tilmaamay weerarradii kala duwanaa lagu qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201clooma baahna in siyaasiyiinta la caburiyo dagaalka Al-shabaab lagula jirana loo wareejiyo meel kale wadankana laga dhigo meel dadka lagu caburiyo gacan bir ahna lagu qabto, xoriyatul qowlna uusan jirin,\u201d.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sanbaloolshe ayaa dhawaan looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar Kursiga xubinnimada baarlamaanka, isaga oo ku eedeeyay dowladda in lacag dhan Hal Milyan oo dollar ku bixisay in uusan ku soo bixin xubinnimada golaha shacab.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43716\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43717\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43718\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/hormuud-logo-4.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43719\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyihii hore ee hay\u2019adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay cida leh mas\u2019uuliyadii Itoobiya loogu gacan galiyay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa diiday in uu cid gaar ah farta ku fiiqo. Wuxuu sheegay in go\u2019aankaasi ahaa mid dowladdeed looguna daneynayay Amniga Qaranka, balse waxaa uu meesha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":43818,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-43816","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43816","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=43816"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43816\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":43820,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43816\/revisions\/43820"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/43818"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=43816"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=43816"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=43816"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}