{"id":43763,"date":"2018-01-31T19:34:56","date_gmt":"2018-01-31T16:34:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=43763"},"modified":"2018-01-31T19:36:19","modified_gmt":"2018-01-31T16:36:19","slug":"xildhibaan-dhawaan-xasaanada-laga-qaadey-oo-maamulka-jubaland-xabsiga-u-taxaabey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/01\/xildhibaan-dhawaan-xasaanada-laga-qaadey-oo-maamulka-jubaland-xabsiga-u-taxaabey\/","title":{"rendered":"Xildhibaan Dhawaan Xasaanada laga Qaadey oo Maamulka Jubaland Xabsiga u Taxaabey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/kismaayo-xildhiban-xarig.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-43764\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/kismaayo-xildhiban-xarig.jpg\" alt=\"\" width=\"904\" height=\"674\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/kismaayo-xildhiban-xarig.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/kismaayo-xildhiban-xarig-300x224.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 904px) 100vw, 904px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa mudanayaasha maamulka Jubbaland, laakiin la sheegay in xasaannadii xildhibaan-nimo lagala noqday maalin ka hor.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay ka soo qabteen Axmed Taajir guri uu ku sugnaa gudaha magaalada Kismaayo waxaana xabsiga dhigay isaga iyo xubno ka tirsanaa ilaaladiisa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xariga kaddib ciidamo nabad-sugida maamulka Jubbaland ayaa guud ahaan magaalada ka bilaabay howlgalo ballaaran oo Amniga lagu sugayo, iyadoo ay jirtay baqdin laga qabey kacdoon ay sameeyaan reer uu ka soo jeedo Axmed Taajir.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Kismaayo waxaa sii xoogeysanayay khilaaf u dhaxeeyay qaar ka mid ah xildhibaannada Jubbaland iyo madaxtooyada, taa soo keentay xasaannada lagala noqdo xildhibaankan oo la sheegay in uu baahiyay warar been abuur ah oo isugu jiray kicin dadweyne iyo ka been-sheegista hannaanka u shaqeeyo maamulka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Laakiin xildhibaanku waa uu beeniyay dhamaanba eedeymaha loo soo jeediyay.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43716\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-7-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43717\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-4-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43718\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-4-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/hormuud-logo-4.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43719\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa mudanayaasha maamulka Jubbaland, laakiin la sheegay in xasaannadii xildhibaan-nimo lagala noqday maalin ka hor. Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay ka soo qabteen Axmed Taajir guri [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":43764,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-43763","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43763","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=43763"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43763\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":43766,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43763\/revisions\/43766"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/43764"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=43763"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=43763"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=43763"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}