{"id":43280,"date":"2018-01-12T01:29:39","date_gmt":"2018-01-11T22:29:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=43280"},"modified":"2018-01-12T01:32:58","modified_gmt":"2018-01-11T22:32:58","slug":"shirka-golaha-wasiirada-somaliland-oo-maanta-ajanadahu-ahaa-dagaalkii-tuka-raq-lagana-doodey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2018\/01\/shirka-golaha-wasiirada-somaliland-oo-maanta-ajanadahu-ahaa-dagaalkii-tuka-raq-lagana-doodey\/","title":{"rendered":"Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta Ajanadahu ahaa Dagaalkii Tuka Raq lagana Doodey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/wasiirad-soland-shir.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43281\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/wasiirad-soland-shir.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/wasiirad-soland-shir.jpeg 1080w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/wasiirad-soland-shir-300x200.jpeg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/wasiirad-soland-shir-768x512.jpeg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/wasiirad-soland-shir-1024x683.jpeg 1024w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/a>Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go\u2019aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland.<\/p>\n<p align=\"justify\">Kalfadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland lagu eedeeyey inay iyagoo\u00a0isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen xadka Somaliland.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaana shirkaasi golaha wasiiradad laga soo saaray go\u2019aanadan:<\/p>\n<p align=\"justify\">1.\u00a0In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go\u2019antahay in ay ilaalinayso\u00a0xuduudaheeda,\u00a0ogalaan doonnina\u00a0in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.<\/p>\n<p align=\"justify\">2.\u00a0In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go\u2019an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">3.\u00a0In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.<\/p>\n<p align=\"justify\">4.\u00a0In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go\u2019aankii labada gole\u00a0ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.<\/p>\n<p align=\"justify\">5.\u00a0In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go\u2019aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay\u2019adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.<\/p>\n<p align=\"justify\">6.\u00a0Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.<\/p>\n<p align=\"justify\">a.\u00a0Guddida Nabadgalyada\u00a05 wasaaradood<\/p>\n<p align=\"justify\">b.\u00a0Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka\u00a09 Wasaaradood<\/p>\n<p align=\"justify\">c.\u00a0Guddida Arrimaha Bulshada\u00a09 Wasaaradood<\/p>\n<p align=\"justify\">d.\u00a0Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta\u00a06 Wasaaradood<\/p>\n<p align=\"justify\">e.\u00a0Guddida Cadaladda\u00a0iyo Shuruucda dalka\u00a06 Wasaaradood<\/p>\n<p align=\"justify\">Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad oo kor ku xusan.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43234\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/beec21-150x150-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43227\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43228\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/hormuud-logo-1.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-43229\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go\u2019aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland. Kalfadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":43281,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-43280","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43280","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=43280"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43280\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":43282,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/43280\/revisions\/43282"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/43281"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=43280"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=43280"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=43280"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}