{"id":42287,"date":"2017-12-05T23:05:12","date_gmt":"2017-12-05T20:05:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=42287"},"modified":"2017-12-05T23:06:37","modified_gmt":"2017-12-05T20:06:37","slug":"dhismaha-ciidan-qaran-oo-uu-sheegey-in-ay-ka-goantahey-dawladdiisa-mweyne-maxamed-cllaahi-farmaajo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/12\/dhismaha-ciidan-qaran-oo-uu-sheegey-in-ay-ka-goantahey-dawladdiisa-mweyne-maxamed-cllaahi-farmaajo\/","title":{"rendered":"DHismaha Ciidan Qaran oo uu sheegey in ay ka Go&#8217;antahey Dawladdiisa M\/weyne Maxamed C\/llaahi Farmaajo."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/12\/farmaajo-ciidamada-xoga.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-42288\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/12\/farmaajo-ciidamada-xoga.jpg\" alt=\"\" width=\"908\" height=\"606\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/12\/farmaajo-ciidamada-xoga.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/12\/farmaajo-ciidamada-xoga-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 908px) 100vw, 908px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan ciidamada nabad Ilaalinta Africa ee Soomaaliya AMISOM.<\/p>\n<p align=\"justify\">Shirkan oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo ayaa Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxaa ay dib u eegid ku samaynayaan qorshayaashii ka hirgalay shirkii Soomaaliya ee London, hirgalinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka oo haatan ay meel wanaagsan maraya howlaha isku dhafka ciidanka iyo sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd amniga dalka kaddib markii uu soo gaba-gaboobo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay dhankooda si mug leh u buuxiyaan kaalinta ay maanta Soomaaliya ka sugayso, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaa noo muuqata ifafaallo ku aaddan Soomaaliya oo xor ka ah argagixisada, dhammaanteenna taas ayaan ka midaysannahay oo aan ka leenahay qorshe midaysan, beesha caalamkana waxa aan ka doonaynaa in ay si buuxda uga soo dhalaasho ballan qaadyadii Shirkii London.\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42064\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42065\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42066\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-5.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42067\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-5.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan ciidamada nabad Ilaalinta Africa ee Soomaaliya AMISOM. Shirkan oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":42288,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-42287","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42287","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=42287"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42287\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":42290,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42287\/revisions\/42290"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42288"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=42287"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=42287"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=42287"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}