{"id":42105,"date":"2017-11-28T00:45:44","date_gmt":"2017-11-27T21:45:44","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=42105"},"modified":"2017-11-28T02:13:18","modified_gmt":"2017-11-27T23:13:18","slug":"dawladda-soomaaliya-oo-la-filayo-in-lagu-wareejiyo-maxaabiis-ku-xirneyd-seychelles","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/11\/dawladda-soomaaliya-oo-la-filayo-in-lagu-wareejiyo-maxaabiis-ku-xirneyd-seychelles\/","title":{"rendered":"Dawladda Soomaaliya oo la Filayo in lagu Wareejiyo Maxaabiis ku Xirneyd SEYCHELLES."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/maxaabiis-shishels.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-42106\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/maxaabiis-shishels.jpg\" alt=\"\" width=\"795\" height=\"596\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/maxaabiis-shishels.jpg 320w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/maxaabiis-shishels-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 795px) 100vw, 795px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ay u dhamaatay muddadii lagu xukumay, islamarkaana la sii deyn doono bisha December ee dhamaadka sanadkan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa sheegay mas\u2019uuliyiinta Seychelles in ay diyaar u yihiin in isla bisha Desember \u00a02017 ay ku soo wareejiyaan maxaabiista Dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cDhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl, Inkastoo xorriyad la\u2019aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona\u201d ayuu ku yiri wasiirka Arrimaha Dibadda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka ayaa sidoo kale booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga degmada Marka ee Shabeellada hoose, toddobaadkii hore, dalkana ku xirnaa Afar maalmood, waxayna ku eedeysan yihiin burcadbadeednimo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato, nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda,\u00a0 Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto noola sabbeysay\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cMarkii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan mas\u2019uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah\u201d<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa maanta mar kale wadahadal la qaadan doona mas\u2019uuliyiin sare ee Jasiirada Seychelles.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42064\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42065\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-4-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42066\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-4-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-5.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-42067\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-5.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran. Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":42106,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-42105","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42105","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=42105"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42105\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":42108,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/42105\/revisions\/42108"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42106"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=42105"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=42105"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=42105"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}