{"id":41694,"date":"2017-11-15T00:36:29","date_gmt":"2017-11-14T21:36:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=41694"},"modified":"2017-11-15T00:37:30","modified_gmt":"2017-11-14T21:37:30","slug":"mashruuca-shaqo-abuurka-dhalinyarada-oo-dawlada-federalku-daah-fur-u-sameysey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/11\/mashruuca-shaqo-abuurka-dhalinyarada-oo-dawlada-federalku-daah-fur-u-sameysey\/","title":{"rendered":"Mashruuca SHaqo Abuurka DHalinyarada oo Dawlada Federalku Daah fur u Sameysey."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/shaqo-abuur.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-41695\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/shaqo-abuur.jpg\" alt=\"\" width=\"762\" height=\"427\" \/><\/a><\/span><\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">\u00a0<span style=\"font-size: large;\">Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daahfurtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah.<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya (SBCF), ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiskaasi waxa uu wadaa qorshe lagu taageerayo 150-200 oo ganacsato Soomaali ah oo ka kala iman doona gobollada dalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Mashruucan ayay masuuliyiinta sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya sheegeen in qiyaastii 3,500 oo shaqo lagu abuuri doono, taasoo ay xuseen in 30% ay gaar u noqon doonto haweenka, ayagoo sheegay in shaqo abuurka laga sameeyn doono guud ahaan dalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">\u201cKordhinta fursadaha shaqo waa rabitaanka hawsha Bangiga Aduunka\u201d sidaas waxaa yiri Hugh Riddell, oo ah u qaybsanaha Bangiga Aduunka ee Soomaaliya. \u201cHelitaanka maaliyadda waxay cadaynaysaa in si wax tar leh loo abuuro shaqo, kor loo qaado dakhliga canshuurta, dhiiri gelinta cadaaladda iyo kor u qaadista hal abuurka figradaha cusub\u201d ayuu ku sii daray hadalkiisa.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Ujeeddada sanduuqa SBCF ayay masuuliyiintiisu sheegeen inuu maalgeliyo ganacsiga Soomaaliya si loo taageero kor u qaadista, kordhinta shaqada iyo horumarinta qaybaha muhiimka ah.\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sanduuqa SBCF ayaa khaas u ah ganacsiga, kaas oo ah in xoogga lagu saaro naqshadaynta figradaha hal abuurka ee cusub, wax soo saarka iyo suuqyo cusub oo gobolka ah.<\/span><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">\u00a0<\/span><\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p><span style=\"font-size: large;\">Sidoo kale waxaa loogu tala galay xoojinta ganacsiga iyo adeegyada farsamada warshadaha si loo dhiso khibradda dhinacyada beeraha, xoolaha, tamarta iyo qaybaha kale.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Daah-furka barnaamijka waxaa ka soo qayb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda FS, kuwaas oo ka kala socday xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, iyo hawl wadeennada mashruuca fulinaya, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay dadka ganacsiga ku jira ee iyagu ku guulaystay lacagaha sanduuqaani bixinayo.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: large;\">Mashruucan shaqo abuurka ah ayaa hadii uu hirgelo waxa uu fursad u noqon doonaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay dalka ku heeysato shaqo la\u2019aanta iyo weliba dadka leh hal abuurka ganacsi ee awoodi waayay in ay helaan maalgelin.<\/span><\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/div>\n<div align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41588\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41589\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41590\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-2.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41591\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-2.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daahfurtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah. Sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya (SBCF), ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiskaasi waxa uu wadaa qorshe lagu taageerayo 150-200 oo ganacsato Soomaali ah oo ka kala iman doona gobollada dalka. Mashruucan ayay masuuliyiinta sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":41695,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-41694","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41694","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41694"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41694\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41697,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41694\/revisions\/41697"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41695"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41694"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41694"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41694"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}