{"id":41598,"date":"2017-11-12T01:36:03","date_gmt":"2017-11-11T22:36:03","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=41598"},"modified":"2017-11-12T01:40:46","modified_gmt":"2017-11-11T22:40:46","slug":"sheekh-xasan-daahir-aweys-oo-sheegey-in-aaney-shabaab-dawlad-diid-aaheyn-ee-ay-dawlad-islaami-ah-rabaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/11\/sheekh-xasan-daahir-aweys-oo-sheegey-in-aaney-shabaab-dawlad-diid-aaheyn-ee-ay-dawlad-islaami-ah-rabaan\/","title":{"rendered":"SHeekh Xasan Daahir Aweys oo SHeegey in aaney SHabaab Dawlad Diid aheyn ee ay Dawlad Islaami ah Rabaan."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/sh-xasan-d-aweys.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-41599\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/sh-xasan-d-aweys.jpg\" alt=\"\" width=\"867\" height=\"578\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/sh-xasan-d-aweys.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/sh-xasan-d-aweys-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 867px) 100vw, 867px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Wadaadka mudadda dheer xabsi guriga ku ah magaalada Muqdisho Sheekh Xassan Daahir Aweys kana mid ahaa saraakiishii sar sare ee Ururka Al-shabaab kaddib markii uu bur buray Ururkii uu madaxda ka ahaa Xisbul Islaam ayaa fariin u diray dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaaho Farmaajo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xassan Daahir oo fariintiisa ku soo hadal qaaday taageerada ballaaran oo ay shacabka u hayaan madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in arrintaa ay ku timid sababo badan oo is biirsaday.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019 Taageerada ay shacabka kuu muujiyeen dhowr arrimood ayaa keentay sida aan is leeyahay, waa marka koowaad shacabku wey dhibtoodeen sidaa daraadeed isbadalka ayeey rabeen iyaga oo aan eegin waxa ku hareereysan isbedalkaa dhacaya, tan kale mudadii Lixda bilood ah ee aad ra\u2019iisal wasaaraha aheydna waxbey kaa Ar-arkeen, marka arrimahaa oo isbiirsaday ayaa is leeyahay waxaad ku heshay taageerada dadweyne ayuu yiri\u2019\u2019 Xassan Daahir Aweys.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayuu kula taliyay in uu siweyn uga fiirsado shaqsiyaadka la shaqeynaya, isaga oo sheegay in ay jiraan qaar doonaya oo kaliya in ay dhaqaale sameeyaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday aragtida ay dowladda ka qabto Al-shabaab ayuu sheegay in uusan ku raacsaneyn dowladda habka ay u wajaheyso Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in aysan dowladdiid aheyn.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Anniga waan ku khilaafsannahay qaabka aad u wajaheyso Al-shabaab oo aad leedahay waa dowladdiid, \u00a0waa War uu cadawga meeriyay ee War Islaam ma\u2019aha, War Soomaali ma\u2019aha, War siyaasi ma\u2019aham War Caqliyanna ma\u2019aha, Al-shabaab dowladdiid ma\u2019aha laakiin waxaa ay doonayaan dowlad Islaami ah, waan qirsannahay in ay qaladaad sameynayaan marmarka qaar, laakiin sida aad ogtahay marka uu dagaal jiro oo koox ay hubka qaadato qalad waa imanayaa ayuu yiri\u2019\u2019 Xassan Daahir.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xassan Daahir Aweys oo ah shaqsi siweyn loo garanayo islamarkaana muddo dheer ka soo mid ahaa Ururada Islaamiga ah ayaa hadda Xabsi Guri ku ah magaalada Muqdisho oo muddo dheerba uu ku xirran yahay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah raggii ay soo wada shaqeeyeen Xassan Daahir Aweys ayaa hadda isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41588\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41589\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41590\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-1-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-2.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41591\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo-2.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wadaadka mudadda dheer xabsi guriga ku ah magaalada Muqdisho Sheekh Xassan Daahir Aweys kana mid ahaa saraakiishii sar sare ee Ururka Al-shabaab kaddib markii uu bur buray Ururkii uu madaxda ka ahaa Xisbul Islaam ayaa fariin u diray dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaaho Farmaajo. Xassan Daahir oo fariintiisa ku soo hadal qaaday taageerada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":41599,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-41598","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41598","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41598"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41598\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41602,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41598\/revisions\/41602"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41599"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41598"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41598"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41598"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}