{"id":41561,"date":"2017-11-11T19:52:53","date_gmt":"2017-11-11T16:52:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=41561"},"modified":"2017-11-11T19:55:28","modified_gmt":"2017-11-11T16:55:28","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-sheegey-in-mucaaradkii-xasan-sheekh-ay-asagana-dhibaato-ku-hayaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/11\/madaxweyne-farmaajo-oo-sheegey-in-mucaaradkii-xasan-sheekh-ay-asagana-dhibaato-ku-hayaan\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Farmaajo oo Sheegey in Mucaaradkii Xasan SHeekh ay asagana dhibaato ku Hayaan."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/farmaajo-dawlad-mucaaradnimo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-41562\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/farmaajo-dawlad-mucaaradnimo.jpg\" alt=\"\" width=\"856\" height=\"570\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/farmaajo-dawlad-mucaaradnimo.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/farmaajo-dawlad-mucaaradnimo-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 856px) 100vw, 856px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka wareega nabad-galyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday siyaasiyiinta iyo kooxaha ku kacsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayaa sheegay wax yabaaha hadda dhaca ay soo jiitamayeen tan iyo dowladdihii hore oo mar walba sida uu hadalka u dhigay jireen shaqsiyaad mucaaradsan oo\u00a0 diidan in dowladnimadu socto oo waqti leysa-siiyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Waxaan rabaa in aan idin sheego Arin sir ah wax yaabaha aad hadda arkeysaan Afar sanno ka hor wey soo jirteen, dowladdii tan ka horeysay markii la doortay iyada oo 6 bilood jirta ayaa leyla soo xiriiray oo leygu yiri dowladda ayaa la mucaaradayaa ee ka soo qeybgalay, waxaan ugu jawaabay dowladdan Lexbilood ayeey jirtaa&#8217;e maxaa lagu mucaaradayaa maa waqti la siiyo, kuwa maanta mucaaradaya dowladda qaarkood qeyb ayeey ka ahaayeen shaqsiyaadkii Afar sano ka hor xiriirka ila soo sameeyay ayuu yiri\u2019\u2019 madaxweyne Farmaajo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Madaxweynaha ayaa sheegay in ay mar walba jiraan shaqsiyaad sidda uu hadalka u dhigay caado ka dhigtay in aysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hadalka Farmaajo ayaa imanaya xili dowladda uu madaxweynaha ka yahay wajaheyso culeys siyaasadeed oo uga imanaya siyaasiyiin iyo shaqsiyaad miis ku dhax leh siyaasada kuwaa oo waayadii ugu danbeeyay siweyn u isticmaalayay baraha bulshada.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41393\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41394\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41395\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41396\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka wareega nabad-galyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday siyaasiyiinta iyo kooxaha ku kacsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay. Madaxweynaha ayaa sheegay wax yabaaha hadda dhaca ay soo jiitamayeen tan iyo dowladdihii hore oo mar walba sida uu hadalka u dhigay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":41562,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-41561","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41561","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41561"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41561\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41564,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41561\/revisions\/41564"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41562"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41561"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41561"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41561"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}