{"id":41116,"date":"2017-10-27T20:47:45","date_gmt":"2017-10-27T17:47:45","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=41116"},"modified":"2017-10-27T20:49:10","modified_gmt":"2017-10-27T17:49:10","slug":"agaasimaha-hayadda-nabadsugidda-sanbaloolshe-oo-eedeyn-u-jeediyey-beesha-caalamka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/10\/agaasimaha-hayadda-nabadsugidda-sanbaloolshe-oo-eedeyn-u-jeediyey-beesha-caalamka\/","title":{"rendered":"Agaasimaha Hay&#8217;adda Nabadsugidda Sanbaloolshe oo eedeyn u jeediyey Beesha Caalamka."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/sanbaloolshe.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-41117\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/sanbaloolshe.jpg\" alt=\"\" width=\"918\" height=\"604\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/sanbaloolshe.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/sanbaloolshe-300x197.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 918px) 100vw, 918px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Agaasimaha Hay\u2019adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay\u2019adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sanabaloolshe ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso garab istaaga beesha caalamka gaar ahaan kadib weerarkii dhowaan ka dhacay Muqdishu balse haddana dagaalka Al-Shabab uu u baahan yahay wax ka badan dhalleecayn iyo cambaarayn.<\/p>\n<p align=\"justify\">Agaasimaha hay\u2019adda nabadsugidda waxa uu ku sheegay qoraalkiisa jariiradda New York Times in Soomaaliya ay u baahan tahay kaalmo dhinaca khubaradda iyo qalabka iskugu jirta, iyo weliba qaab cusub oo uu yeesho iskaashiga ay leeyihiin hay\u2019adaha amniga Soomaaliya iyo kuwa caalamka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sanabloolse waxa uu muujiyey in hay\u2019adda nabadsugidda ay caqabado ka haystaan dhinaca ka hortagga weerarrada Al-Shabab ee qaraxyada, isagoo sheegay in Al-Shabab ay si weyn u kordhiyeen isticmaalka qaraxyada iyo weliba culayska ay leeyihiin oo uu sheegay inuu ku bilowday ilaa 100 kiilo haatanna uu gaadhayo ilaa 1000 kiilo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxa uu sheegay Sanbaloolshe in hay\u2019adaha caalamka ee leh khibradda inay ka gaabiyeen inay iskaashi dhinaca wadaagista xogta ah oo ay siiyaan hay\u2019adda nabadsugidda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa uu sheegay in khubarada waddamada qaarkood ay yimaadaan Soomaaliya kadibna baadhitaan ay ku sameeyaan qaraxyada balse natiijada qaraxada aysan dib ugu soo celin hay\u2019adaha Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Matt Bryden oo ah khabiir ka faallooda arirmaha amniga iyo istiraatijiyada gobolka Geeska Afrika,\u00a0 ayaa sheegay in hadalllada agaasimaha ay wax ka jiraan.<\/p>\n<p align=\"justify\">&#8221;Waxaan ka fahmay farriinta agaasimaha marka la eego qaraxyada waxay dawladdu codsanayasay kaalmo khaas ah oo ay kaga hortagto weerarrada waaweyn mana aysan helin. Waxay isku dayeen haydaha amniga ee Soomaalidu in ay yareeyaan halista balse ma helin kaalmo ku aaddan sidii ay u joojin lahaayeen qaraxyada oo ay ka yimaadaan geerida iyo dhaawaca ka dhasha weerarada Al-Shabab badankood\u201d ayuu yiri\u00a0Matt Bryden<\/p>\n<p align=\"justify\">Matt Bryden oo ah agaasimaha hay\u2019adda Sahan Research waxa uu sheegay in qiimaynta ay hay\u2019addiisu samaysay ay ku ogaatay in laamaha amniga Soomaalidu heleen qalab loo adeegsado sidii loo furfuri lahaa qaraxyada balse aysan haysan shaybaarkii baadhista iyo qiimaynta khibradeed ee kasoo baxda baadhitaanka.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40977\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40978\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40980\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo-3.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40981\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo-3.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Agaasimaha Hay\u2019adda Nabad sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe ayaa ku dhalleeceeyey beesha caalamka gaar ahana waddamada US, UK iyo Qaramada Midoobay inay ka gaabiyeen inay hay\u2019adaha amniga Soomaaliya ku caawiyaan khibrad iyo qalab farsamo si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabab. Sanabaloolshe ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay soo dhowaynayso garab istaaga beesha caalamka gaar ahaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":41117,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-41116","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41116","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41116"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41116\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41119,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41116\/revisions\/41119"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41117"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41116"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41116"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41116"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}