{"id":41040,"date":"2017-10-23T23:45:34","date_gmt":"2017-10-23T20:45:34","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=41040"},"modified":"2017-10-24T00:05:36","modified_gmt":"2017-10-23T21:05:36","slug":"magaalooyinka-waaweyn-ee-somaliland-oo-uu-maanta-xisbiga-waddani-kusoo-bandhigey-dhoola-tuskiisa-doorashada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/10\/magaalooyinka-waaweyn-ee-somaliland-oo-uu-maanta-xisbiga-waddani-kusoo-bandhigey-dhoola-tuskiisa-doorashada\/","title":{"rendered":"Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland oo uu Maanta Xisbiga WADDANI Kusoo Bandhigey Dhoola tuskiisa Doorashada."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/xisbiga-wadani.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-41041\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/xisbiga-wadani.jpg\" alt=\"\" width=\"856\" height=\"430\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/xisbiga-wadani.jpg 856w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/xisbiga-wadani-300x151.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/xisbiga-wadani-768x386.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 856px) 100vw, 856px\" \/><\/a>maalintii 3aad ee ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa maanta waxa dhoolatus balaadhan ku soo dhigay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ahayd maalintii uu ololaha u lahaa.<\/p>\n<p align=\"justify\">Goboladda waaweyn ee Somaliland waxa uu xisbiga WADANI u kala diray madaxdiisa sar sare, waxaana magaaladda Hargeysa dadweynaha taageera xisbiga WADANI kala qaybgallay musharaxa xisbiga WADANI C\/raxmaan Cirro, musharax madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADANI Maxamed Cali oo isna ka qaybgallay taageerayaasha xisbiga Boorama, halka hogaamiyaha xisbigaasi kala qaybgalay taageerayaashiisa ku sugan gobolka Sanaag, halka gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbigaasi Cabdiqaadir jirdena waxa uu kaga qaybgallay dhoolatuskiisa uu ku qabanayo gobolka Saaxil.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xisbiga WADANI ayaa si weyn oo dhoolatus ah ugu bandhigay magaaladda Hargeysa oo buux dhaafiyey garoonka weyn ee beerta xoriyadda, waxaana uu musharaxa xisbiga WADANI C\/raxmaan Cirro eedeen usoo jeediey xisbiga kulmiye oo uu ku canaantay inay hagratay shacabka Somaliland oo mudaddii ay xilka hayeen waxba u qaban.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cwaxa la iibiyey shan guri oo guryihii dawlada ah, halkee mustaqbalka laga dhisayaa xafiisyadda dawladda, dugsiyadda iyo goobaha caafimaadka ee guryahan la iibinayo lagu bedeli lahaa, waxa jirta biyo yaraan oo muddo dheer ka jirta taas oo la hagraday\u201dayuu yidhi musharax Cirro.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale, waxa uu hogaamiyaha xisbiga WADANI Xirsi Cali Xaaji Xasan uu xukuumadda ku eedeeyey in wadadii Ceerigaabo halkii uu barigii dhigay aan laga qaadin,isla markaana lacagihii loo qaadhaamay ee lagu dhisi lahaa uu sheegay in la cunnay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Si kastaba ha ahaatee, dhoolatus balaadhan ayuu ku muujiyey cududda uu ku leeyahay Somaliland, taas oo ilaa xalay iyo saakaba gaadiid faro badan oo heeso iyo hoon badan leh ku wareegayeen wadooyinka magaaladda Hargeysa.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40977\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40978\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-3-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40980\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-3-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo-3.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40981\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo-3.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>maalintii 3aad ee ololaha xisbiyadda Somaliland ayaa maanta waxa dhoolatus balaadhan ku soo dhigay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ahayd maalintii uu ololaha u lahaa. Goboladda waaweyn ee Somaliland waxa uu xisbiga WADANI u kala diray madaxdiisa sar sare, waxaana magaaladda Hargeysa dadweynaha taageera xisbiga WADANI kala qaybgallay musharaxa xisbiga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":41041,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-41040","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41040","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41040"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41040\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":41042,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41040\/revisions\/41042"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41041"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41040"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41040"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41040"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}