{"id":40705,"date":"2017-10-13T03:56:56","date_gmt":"2017-10-13T00:56:56","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=40705"},"modified":"2017-10-13T03:58:12","modified_gmt":"2017-10-13T00:58:12","slug":"ururka-isgaarsiinta-caalamka-itu-oo-soomaaliya-cod-buuxa-ku-yeelatey-kadib-sanado-ay-korjoogto-uun-ay-ku-koobneyd","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/10\/ururka-isgaarsiinta-caalamka-itu-oo-soomaaliya-cod-buuxa-ku-yeelatey-kadib-sanado-ay-korjoogto-uun-ay-ku-koobneyd\/","title":{"rendered":"Ururka Isgaarsiinta Caalamka ITU oo Soomaaliya Cod buuxa Ku yeelatey kadib Sanado ay korjoogto uun ay ku koobneyd."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/itu-isgaarsiinta.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-40706\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/itu-isgaarsiinta.jpg\" alt=\"\" width=\"902\" height=\"562\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/itu-isgaarsiinta.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/itu-isgaarsiinta-300x187.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 902px) 100vw, 902px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, kaddib markii wasaaraddu ku guuleysatay in ay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Qaaraanka lagu yeeshay Wasaaradda muddadaas wuxuu gaarayay in ku dhow 2 milyan iyo bar, taas oo sababtay in wixii markaas ka dambeeyay ay wasaaraddu si kor-joogto ah kaga qeybgasho shirarka, iyada oo aan lahayn wax cod ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hasse ahaatee dadaal ay mas\u2019uuliyiinta Wasaaraddu bixiyeen bilihii u dambeeyay waxaa lagu guuleystay in Soomaaliya laga cafiyo lacag ku dhow 1 milyan iyo bar doolar, waxaana la dajiyay qorshe soconaya muddo sanado ah oo lagu bixinayo baaqiga, iyadoo qeybtii 1aad oo dhan in ku dhow 80 kun doolar ay Wasaaraddu bixisay dhammaadka bishii hore.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiir Cabdi Cashuur oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in xubinnimada ITU ay Wasaaradda ka caawin doonto sidii ay dib ugu heli lahayd adeegyada ay wasaaradaha dalalka caalamku ay ku leeyihiin ururkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabadani ay fududeyn doonto sidii ITU ay dalka Soomaaliya uga kaalmeyn lahayd dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo aysan shirkaduhu si gooni gooni ah u maalgashan karin.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cSharaf bay inoo tahay inaan dib u soo ceshanay xubinnimada buuxda ee ITU-da. Ma dooneyno inaan korjoogto kaliya ka noqono ururka ITU-da oo hawlo badan ay nooga xiran yihiin, inagoo awoodna inaan cod yeelano. Waxaan u mahadcelinayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo shirkadaha isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya oo Wasaaradda ka caawiyay in ay qaaraankaas bixiso, iyadoo nidaamka lagu bixinayo uu ahaa mid daahfuran,\u201d ayuu Wasiirku intaasi raaciyay.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40437\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40438\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40439\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40440\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyada ayaa ka qeybgalaya shir-weynaha Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo 9-kii Sebteembar ka furmay caasimadda dalka Argentina ee Buenos Aires, kaddib markii wasaaraddu ku guuleysatay in ay dib u soo ceshato xubinnimada buuxda ee ururkaas oo maqneyd tan iyo 1983-dii, kolkaas oo ay joogsatay bixinta qaaraanka sanadlaha ah. Qaaraanka lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":40706,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-40705","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40705","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40705"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40705\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40708,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40705\/revisions\/40708"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40706"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40705"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40705"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40705"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}