{"id":40685,"date":"2017-10-13T02:25:47","date_gmt":"2017-10-12T23:25:47","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=40685"},"modified":"2017-10-13T02:27:13","modified_gmt":"2017-10-12T23:27:13","slug":"rwasaare-khayre-oo-sheegey-in-aaney-qofna-ka-ogolaan-doonin-dhaliil-wax-dumineysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/10\/rwasaare-khayre-oo-sheegey-in-aaney-qofna-ka-ogolaan-doonin-dhaliil-wax-dumineysa\/","title":{"rendered":"R\/Wasaare KHayre oo sheegey in aaney Qofna ka Ogolaan Doonin Dhaliil wax Dumineysa."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/khayre-dhaliil-diid.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-40686\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/khayre-dhaliil-diid.jpg\" alt=\"\" width=\"988\" height=\"621\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/khayre-dhaliil-diid.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/khayre-dhaliil-diid-300x189.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 988px) 100vw, 988px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisal wasaaradaha xukuumada Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusiyay maalinta calanka ayaa si kulul uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa uu sheegay ra\u2019iisal wasaaraha in Umadda Soomaaliyeed ay u bidhaantay rajo iyo iftiin muddo dheer ay sugayeen sidaa daraadeed qofna laga yeeli doonin sida uu hadalka u dhigay in uu baabiyo rajadaa ay qabaan shacabka.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaa muhiim ah in aan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminay, dhaliil ujeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano qaas ah in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hada u soo if baxay\u201dayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Kheyre.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa uu sheegay in ay dhamaatay waqtigii ay madaxda niyad jabi jiraan ama in buuq siyaasadeed inta furmo ay Madaxda albaabada soo xiran jireen.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaa dhamaatay waqtigii la niyad jabi jiray, madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwaas, maalmo ayaa la qeylinaya ama buuq siyaasadeed ayaa la furayaa waxaa idin balan-qaadayaa in aan idinla mari doono illaa meesha ugu dambeysa\u201dayuu yiri ra\u2019iisul wasaaraha<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u socoto, isla markaana aysan gadaal u noqon doonin.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cSoomaaliya horay ayay u socotaa, gadaal uma noqoneysa, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah anaga ujeedna oo idin soo aragnay dhulka barwaaqada aan u socono\u201dayuu hadalkiisa sii raaciyay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajeysa culeys siyaasadeed oo uga imanaya maamul gobolleedyada dalka, iyadoo shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee maanta lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo farriimo adag loogu diray qaabka Xukuumadda u maareyneyso xaaladaha siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40437\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40438\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40439\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40440\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisal wasaaradaha xukuumada Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusiyay maalinta calanka ayaa si kulul uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka. Waxaa uu sheegay ra\u2019iisal wasaaraha in Umadda Soomaaliyeed ay u bidhaantay rajo iyo iftiin muddo dheer ay sugayeen sidaa daraadeed qofna laga yeeli doonin sida uu hadalka u dhigay in uu baabiyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":40686,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-40685","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40685","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40685"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40685\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40688,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40685\/revisions\/40688"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40686"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40685"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40685"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40685"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}