{"id":40673,"date":"2017-10-12T01:08:46","date_gmt":"2017-10-11T22:08:46","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=40673"},"modified":"2017-10-12T01:09:07","modified_gmt":"2017-10-11T22:09:07","slug":"wasiirka-arrimaha-gudaha-juxa-oo-sheegey-in-dawladda-federalku-la-hadleyso-cid-kasta-xagga-feker-kala-duwanaashaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/10\/wasiirka-arrimaha-gudaha-juxa-oo-sheegey-in-dawladda-federalku-la-hadleyso-cid-kasta-xagga-feker-kala-duwanaashaha\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Gudaha JUXA oo sheegey in Dawladda Federalku La Hadleyso Cid kasta Xagga Feker kala Duwanaashaha."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">\u00a0<a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/juxa.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-40674\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/juxa.jpg\" alt=\"\" width=\"864\" height=\"648\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/juxa.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/juxa-300x225.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 864px) 100vw, 864px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta.<\/p>\n<p align=\"justify\">Wasiir Juxa ayaa sheegay in wax yaabaha leysku hayo yihiin kuwo kala gadisan laakiin guud ahaan marka la eego u baahan in laga wada hadlo si leyskula meel dhigo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Colaad ayaa jirta, siyaasad ayaa leysku hayaan, Kheyraadka ayaa sidoo kale ka mid ah wax yaabaha muranka ka jiro, dastuurka iyo awood qeybsiga intaba waxaa ay ka mid yihiin waxyaabaha taagan ee u baahan in laga wada hadlo oo laga heshiiyo\u2019\u2019 ayuu yiri wasiirka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa uu sheegay in dowladda ahmiyad gaar ah siin doonto cid kasta oo aragti kale qabta, isaga oo sheegay in dowladnimo tahay mid la wada leeyahay sidaa daraadeed muhiim tahay in la wadda hadlo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Cid kasta oo naga fikir duwan oo naga maqan ama xabad nagu soo rideysa diyaar ayaan u nahay in lala hadlo waayo dalkan waa la wadda leeyahay cid gaar u leh ma jirto, sidaa daraadeed in la wada hadlo oo waxyaabaha markaa taagan laga heshiiyo waa muhiim\u2019 ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka arrmaha gudaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili uu jiro madmdow siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo madaxda qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira oo hadda ku shirsan magaalada Kismaayo iyo Ururka Al-shabaab oo dhinaca kale dagaal ku la jira dowladda.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40437\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40438\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40439\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg\" alt=\"\" width=\"850\" height=\"315\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell.jpg 850w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/som-tell-768x285.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 850px) 100vw, 850px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-40440\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/10\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0 Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta. Wasiir Juxa ayaa sheegay in wax yaabaha leysku hayo yihiin kuwo kala gadisan laakiin guud ahaan marka la eego u baahan in laga wada hadlo si leyskula meel dhigo. \u2018\u2019Colaad ayaa jirta, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":40674,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-40673","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40673","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=40673"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40673\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":40676,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/40673\/revisions\/40676"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40674"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=40673"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=40673"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=40673"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}