{"id":39640,"date":"2017-09-06T02:02:55","date_gmt":"2017-09-05T23:02:55","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=39640"},"modified":"2017-09-06T02:03:15","modified_gmt":"2017-09-05T23:03:15","slug":"icao-hayadda-hawada-ee-qm-iyo-somalia-oo-khillaaf-xagga-maamulka-hawada-soomaaliya-uu-ka-dhex-taaganyahey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/09\/icao-hayadda-hawada-ee-qm-iyo-somalia-oo-khillaaf-xagga-maamulka-hawada-soomaaliya-uu-ka-dhex-taaganyahey\/","title":{"rendered":"ICAO Hay&#8217;adda Hawada ee QM iyo Somalia oo Khillaaf Xagga Maamulka Hawada Soomaaliya uu ka Dhex taaganyahey."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/un-hawada.jpeg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-39641\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/un-hawada.jpeg\" alt=\"\" width=\"923\" height=\"615\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/un-hawada.jpeg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/un-hawada-300x200.jpeg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 923px) 100vw, 923px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Hay\u2019adda caalamiga ah ee Hawada Adduunka iyo dowladda Somalia ayaa isku khilaafsan arimo la xiriira maamulka Hawada Somalia ,iyada oo bilahan danbe la hadal hayay suurtagal-nimada ah in \u00a0Somalia ay la wareegi karto maamulka buuxa ee hawadeeda.<\/p>\n<p>WARBAAHINTA ayaa ogaatay qorshe ay soo jeedisay hay\u2019adda ICAO ,kaasi oo \u00a0xadidaya diiyaaradaha imaan kara Somalia, taasi oo ka dhigan in dowladda hadda jirta aysan si madax banaan u maamuli doonin hawada dalka.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda hagid-da diyaaradaha ayaa sheegtay in hadii Somalia lagu wareejiyo hawadeeda hoos loo dhigi doono joog-ga ay ku duulaan diyaaradaha ,kaasi oo hadda ah 1000Ft ,waxaaa sidoo kale la xiri doonaa jihooyinka qaar halka kuwa kalena la xadidi doono.<\/p>\n<p>Qorshahan ayaa la micno ah in ay hoos u dhici doonaan diyaaradaha adeegsan kara hawada Somalia ,waxaana ICAO ay ku sheegtay in uu yahay mid la xiriira arimaha ammaanka hawada , balse khubarada ku xeel-dheer arimahan ayaa aaminsan in tani\u00a0la xiriirto arimo dhaqaale.<\/p>\n<p>Hadii Somalia ay aqbali weydo shuruudaha ICAO ,waxaa hawada Somalia maamulkeeda loo qaybin doonaa dalalka Seychelles iyo Hindiya ,lamana saadaalin karo waxa uu noqon doono go\u2019aanka dowladda hadda jirta.<\/p>\n<p>Dhibka ka jira arinta hawada Somalia ayaa soo bilowday sanadkii 1993-dii markaasi oo hay\u2019adaha UNDP iyo ICAO ay si wada jir ah u \u00a0asaaseen mashruuc loogu magac daray TAP ,kaasi oo loogu tala-galay in uu bixiyo adeegyada hag-gida hawada Somalia.<\/p>\n<p>Sanadki 1995-tii ayaa la sameeyay xafiis laga hago hawada Somalia oo saldhigiisu yahay Nairobi ,kaasi oo shaqadiisu ugu weyni ay ahayd in uu maamulo hawada Somalia , isla markaana qaato canshuuraha laga qaado diyaaradaha adeegsanaya hawada dalka.<\/p>\n<p>Sanadkii 2011-kII Madaxweynaha hadda talada haya Mohamed C\/laahi Farmaajo oo waqtigaas wadanka ka ahaa Ra\u2019iisul-wasaare ayaa isku dayay in Somalia uu u soo celiyo maamulka hawada ,isaga oo sheegay in tani ay qayb-weyn ka tahay madax banaanida Somalia.<\/p>\n<p>\u201cXaqiiqdii waan la soo wareegi doonaa hawadeena , Somalia ayaa iska leh hawdan ,waxaan nahay dal madax banaan \u201c ayuu yiri mar uu waraysi siinayay wargayska New York Times oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha hay\u2019adda ICAO Dr Olumuyiwa Benard Aliu ayaa dhawaan waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in hawada Somalia lagu wareejinayo dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan idiin xaqiijinayaa in hawada Somalia aan la wareejin karin ,waxaan waraaq arinta aan ku sharaxayo aan u diray madaxweynaha Somalia \u201c ayuu yiri Dar Aliu xilli uu waraysi siinyay Warbaahinta qaarkeed.<\/p>\n<p>Hawada Somalia waxaa maalinkii isticmaala diyaarado gaaraya inta u dhaxeysa 150 ilaa 200 oo diyaaradood,waxaan diyaarad walba oo adeegsata hawada laga qaadaa lacag dhan 275 dollar ,taasi oo ka dhigin in bishii ay Somalia usoo xaroon karto lacag dhan 1.1 milyan oo dollar hadii maamulka hawadeeda lagu soo wareejiyo.<\/p>\n<p>Ilaa iyo sanadkii 1993-dii waxaa lacagtan qaadanaysay hay\u2019adda ICAO,waxaana dhawaan kulan ka dhacay Magaalada Sharma Shiekh ee\u00a0Masar ayna ka qayb-galen madax ka tirsan dowladda Somalia looga dalbaday haya\u2019adda ICAO in ay soo wareejiso maamulka hawada Somalia.<\/p>\n<p>Ugu danbayn, madaxda labada dhinac ayaa kulan kale lixdan bisha ugu balansan in ay ku yeeshaan magaalada Montreal ee dalka Canada ,waxaana sida ay Warsom ogaatay arimahan dowladda Somalia kala talin doona shirkad dhinac sharciga qaabilsan oo fadhigeedu yahay Toronto laguna magacaabo Doli Law Firm.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39610\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/tabarak2341-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39611\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/tabarak2341-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/tabarak2341-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/tabarak2341-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39612\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39613\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; Hay\u2019adda caalamiga ah ee Hawada Adduunka iyo dowladda Somalia ayaa isku khilaafsan arimo la xiriira maamulka Hawada Somalia ,iyada oo bilahan danbe la hadal hayay suurtagal-nimada ah in \u00a0Somalia ay la wareegi karto maamulka buuxa ee hawadeeda. WARBAAHINTA ayaa ogaatay qorshe ay soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":39641,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-39640","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39640","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39640"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39640\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39642,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39640\/revisions\/39642"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39641"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39640"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39640"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39640"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}