{"id":39580,"date":"2017-09-04T01:56:54","date_gmt":"2017-09-03T22:56:54","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=39580"},"modified":"2017-09-04T01:58:31","modified_gmt":"2017-09-03T22:58:31","slug":"siyaasadda-dawladda-ee-la-xiriirta-arrinta-qalbi-dhagax-oo-ay-difaaceen-odey-dhaqameedyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/09\/siyaasadda-dawladda-ee-la-xiriirta-arrinta-qalbi-dhagax-oo-ay-difaaceen-odey-dhaqameedyo\/","title":{"rendered":"Siyaasadda Dawladda ee la Xiriirta Arrinta Qalbi Dhagax oo ay Difaaceen Odey Dhaqameedyo."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/xaad.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-39581\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/xaad.jpg\" alt=\"\" width=\"845\" height=\"564\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/xaad.jpg 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/xaad-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 845px) 100vw, 845px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">Tan iyo wixii ka danbeeyay soo ifbixii warka ku saabsan in dowladda federaalka Soomaaliya u gacan galisay dowladda Itoobiya sarkaal sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa Jabhada ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi \u2013Dhagax, waxaa sii xoogeysanaya dhaleeceyn loo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Gaar ahaan warbaahinta bulshada ay ku wada xiriirto [ Social Media ah ] ayaa lagu arkayay qoraallo ay dadku wax isaga weydiinayaan sida ay u dhacday arintan ku wareejinta dowladda Itoobiya Qalbi \u2013Dhagax iyo doorka ay dowladda federaalka ka qaadatay.<\/p>\n<p align=\"justify\">Laakiin odayaal dhaqameed la hadlay warbaahinta ayaa difaacay siyaasada dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo arintan danno gaar ah ka leh.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u2018\u2019Waxaan aaminsannahay waxyaabahan dhacaya oo dhan in ay ka danbeeyaan dad dano gaar ah leh oo kursi waayay, oo nabada ogoleyn, oo dowlad nimada ogleyn, oo hormarka ogoleyn, wax ka dhib badan miyaa jiray qaraxyadii dalkan soo maray oo tirada aad ogtihiin oo dad ay ku dhiman jireen, miyeeysan mudneyn in aan Alle ku mahadnimo nabadan aan heysanno, miyeeysan mudneyn in lagu amaano dadkii ka shaqeeyay, dadka oo dhan madax ma noqon karaan, aan dacaayada ka dhaafno dowladda\u2019\u2019 ayuu yiri nabadoon Maxamed Xassan Xaad.<\/p>\n<p align=\"justify\">Nabadoon Axmed Diiriye ayaa dhinaciisa sheegay in aan loo baahneyn in bulshada Soomaaliyeed la niyad jabiyo, isaga oo ku amaanay dowladda federaalka doorka ay ka qaadatay iyo dadaalka ay ugu jirto nabadeynta dalka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Odayaasha ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in dowladda federaalka laga sugo jawaabta ay ka bixineyso arintan ku saabsan shaqsiyga la sheegay in loo dhiibay dowladda Itoobiya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Hadalka odayaasha dhaqanka ayaa imanaya xili si weyn loo hadal hayo warku saabsan ku wareejinta dowladda Itoobiya Cabdkariin Muuse oo la sheegay in laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda Itoobiya ayaa dhinaceeda xaqiijisay in dowladda Soomaaliya u soo gacan \u2013galisay Cabdikariin Muuse Qalbi \u2013Dhagax, laakiin dowladda federaalka wali kama aysan soo saarin war rasmi ah marka laga soo tago taliyaha hay\u2019adda nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo arintan ku tilmaamay mid \u2018\u2019 Xasaasi ah \u2018\u2019 oo laga hadli doono waqtiga ku haboon.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39480\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39481\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39482\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/hormuud-logo-5.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39483\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/hormuud-logo-5.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tan iyo wixii ka danbeeyay soo ifbixii warka ku saabsan in dowladda federaalka Soomaaliya u gacan galisay dowladda Itoobiya sarkaal sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa Jabhada ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi \u2013Dhagax, waxaa sii xoogeysanaya dhaleeceyn loo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliya. Gaar ahaan warbaahinta bulshada ay ku wada xiriirto [ [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":39581,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-39580","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39580","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39580"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39580\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39583,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39580\/revisions\/39583"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39581"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39580"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39580"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39580"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}