{"id":39577,"date":"2017-09-04T01:33:17","date_gmt":"2017-09-03T22:33:17","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=39577"},"modified":"2017-09-04T01:38:11","modified_gmt":"2017-09-03T22:38:11","slug":"cabdi-faarax-laqanyo-oo-u-sharaxan-xilka-mwenaha-hir-shabeelle-ee-xaruntiisu-tahey-jowhar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/09\/cabdi-faarax-laqanyo-oo-u-sharaxan-xilka-mwenaha-hir-shabeelle-ee-xaruntiisu-tahey-jowhar\/","title":{"rendered":"Cabdi Faarax Laqanyo oo u SHaraxan Xilka M\/wenaha Hir-Shabeelle ee Xaruntiisu Tahey Jowhar."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/cabd-farax-laqanyo.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39578\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/cabd-farax-laqanyo.jpg\" alt=\"\" width=\"985\" height=\"657\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/cabd-farax-laqanyo.jpg 985w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/cabd-farax-laqanyo-300x200.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/09\/cabd-farax-laqanyo-768x512.jpg 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 985px) 100vw, 985px\" \/><\/a>\u00a0Cabdi Faarax Laqanyo oo horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.<\/p>\n<p align=\"justify\">Odayaal iyo waxgarad munaasabada ka qeybgallay ayaa sheegay in musharaxa u qalmo qabashada xilkan, iyaga oo ka codsaday bulshada ku dhaqan labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe in ay ku taageeraan Cabdi Faarax qabashada xilka madaxweynaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa ka codsaday musharixiinta kale in ay u tanaasulaan musharaxa, waxaana uu dhinaca kale baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ka dalbaday in ay codkooda siiyaan Cabdi Faarax Laqanyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cSiyaasiyiinta dooneysa in ay qabato xilka madaxweynaha Hirshabelle waxaan ugu baaqeynaa in ay u tanasulaan Laqanyo maadaama uu yahay ruugcadaa siyaasadeed\u2019\u2019\u201dayuu yiri Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Musharax Cabdi Faarax Laqanyo oo kulankan ka hadlay u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay oo sii qabanqaabiyay kulanka lagu taageerayay waxana uu sheegay in qorshahiisa siyaasadeed uu dhowaan soo bandhigi doono.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaan u mahad-celinayaa dadka soo qabanqaabiyay kulankan waxaanse ballanqaadayaa in aan horumar dhinac walba leh gaarsiin doono bulshada Hirshabeelle oo haatan u baahan samatabixin iyo in dowlad goboleedyada kale ay la jaanqaadaan.\u201dayuu yiri musharax Cabdi Faarax Laqanyo.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, kaddib markii lagu dhawaaqay guddi ka kooban Sagaal xubnood oo soo diyaarinaya habka ay u dhaceyso doorashada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala noqday madaxweynihii hore ee maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku sugan magaalada Beledweyne.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39480\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39481\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39482\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-6-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/hormuud-logo-5.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39483\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/hormuud-logo-5.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Cabdi Faarax Laqanyo oo horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle. Odayaal iyo waxgarad munaasabada ka qeybgallay ayaa sheegay in musharaxa u qalmo qabashada xilkan, iyaga oo ka codsaday bulshada ku dhaqan labada gobol [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":39578,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-39577","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39577","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39577"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39577\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39579,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39577\/revisions\/39579"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39578"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39577"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39577"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39577"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}