{"id":39351,"date":"2017-08-27T21:11:07","date_gmt":"2017-08-27T18:11:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=39351"},"modified":"2017-08-27T21:11:29","modified_gmt":"2017-08-27T18:11:29","slug":"xarun-maamul-internet-hayadaha-dawladu-si-gaar-ah-u-leeyihiin-oo-xariga-laga-jarey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/08\/xarun-maamul-internet-hayadaha-dawladu-si-gaar-ah-u-leeyihiin-oo-xariga-laga-jarey\/","title":{"rendered":"Xarun Maamul Internet Hay&#8217;adaha Dawladu Si Gaar ah u leeyihiin oo Xariga laga Jarey."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/xarun-internet.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft wp-image-39352\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/xarun-internet.jpg\" alt=\"\" width=\"837\" height=\"472\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/xarun-internet.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/xarun-internet-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 837px) 100vw, 837px\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul-wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee maamulka Internet-ka hay\u2019adaha dowladda (Network Operations Center &#8211; NOC) ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada, taasoo ah middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda.<\/p>\n<p>Xaruntan oo laga qeybiyo Internet-ka lagu bixiyo khadka Fiber Optic-ga ah oo la dhigay ilaa 15 xarumood oo ku yaalla caasimadda ayaa khadka internet-ka laga gaarsiiyaa illaa 26 hay\u2019adood oo isugu jira wasaarado iyo hay\u2019ado kale oo ka tirsan dowladda Federaalka ah. Mashruucan oo dhinaca maaliyadda uu ka taageero Bankiga Adduunka, wuxuu sidoo kale wasaaradaha u fidin doonaa taageero dhinaca farsamo ah iyo cillad-bixin joogto ah.<\/p>\n<p>Wasiirka Waxbarashada, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan iyo Garyaqaanka Qaranka, Mudane Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa ku tilamaamey xaruntan mid adeeg muhiim ah u haysa wasaaradaha iyo hay\u2019adaha kale ee dowladda, iyagoo intaas ku daray in adeeggan uu sare u qaadayo waxqabadka iyo wax-soo-saarka hay\u2019adaha dawladda.<\/p>\n<p>Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknooljiyada, ayaa sheegay in adeeggan uu qeyb ka yahay waxyaabaha ay Wasaaraddu ku soo ceshaneyso kaalintii laga filayay ee ahayd inay adeegyo teknoolojiyad siiso hay\u2019adaha dawladda. &#8220;Waan dareensannahay in adeegga internet ee aan bixinno uusan wada gaarin dhammaan wasaaradaha iyo hay&#8217;adaha dawladda, welina loo baahan yahay in la kordhiyo xawaarihiisa. Hase yeeshee, waxaan ka shaqeyneynaa sidii adeeggaas loo ballaarin lahaa mustaqbalka dhow hadduu Alle idmo\u201d ayuu yiri wasiirku.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39259\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/beec21-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39260\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/tabarak2341-150x150-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39261\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-5.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-5.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/salaam-1-5-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/hormuud-logo-4.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-39262\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/08\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; &nbsp; Ra\u2019iisul-wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee maamulka Internet-ka hay\u2019adaha dowladda (Network Operations Center &#8211; NOC) ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooljiyada, taasoo ah middii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga hirgeliyo caasimadda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":39352,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-39351","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39351","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39351"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39351\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":39353,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39351\/revisions\/39353"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39352"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39351"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39351"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39351"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}