{"id":38491,"date":"2017-07-28T04:46:05","date_gmt":"2017-07-28T01:46:05","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=38491"},"modified":"2017-07-28T04:46:31","modified_gmt":"2017-07-28T01:46:31","slug":"igu-sawir-ama-igu-dayo-oo-noqdey-hal-heysyada-ugu-badan-ee-baraha-bulshada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/07\/igu-sawir-ama-igu-dayo-oo-noqdey-hal-heysyada-ugu-badan-ee-baraha-bulshada\/","title":{"rendered":"Igu Sawir Ama Igu Dayo oo Noqdey Hal Heysyada ugu Badan ee Baraha Bulshada."},"content":{"rendered":"<p class=\"story-bodyintroduction\" align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/igu-sawir.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-38492\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/igu-sawir.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"441\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/igu-sawir.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/igu-sawir-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/a>Waxaa todobaadyadan Baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda &#8216;Igu Sawir&#8217; iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray &#8216;Igu Dayo&#8217;.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilka case Qeys, taasi oo hordhaceeda lasoo saaray. Heesta waxaa loogu magac daray &#8216;Igu Sawir&#8217;.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda waxaa si gaar loogu dhaliilayaa arrin ku saabsan gabar lagu magacaabo Faa&#8217;iso Cabdullaahi, xidigle ciidamada xoogga dalka ka tirsan oo dhaawac soo gaaray ku curyaantay, kadibna madaxda dowladda ay u balanqaadeen in ay dhaqtar dibada ah u diri dooneen. Balse faa&#8217;iso waxa ay sheegtey in aanan waxbo loo qabanin.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u00a0<img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/images\/2017\/July\/2017727636367433423338226fa%27i.jpg\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p align=\"justify\">Kumanaan dhalinyaro ah ayaa baraha bulshada si joogto ah ugu faafinaya sawiro iyo qoraalo halheys looga dhigey &#8216;Igu Sawir&#8217;, qaarkood ayaa xitaa xayawaano isku soo sawiray.<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>&#8216;Igu Dayo&#8217;<\/strong><\/p>\n<p align=\"justify\">Dhalinyaro kale oo dowladda taageero u haya ayaa iyaguna bilaabay olole kale oo ay ugu magacdareen &#8216;Igu Dayo&#8217;, waxayna ku dhiirogalinayaan madaxda dowladda, iyaga oo boggaadinaya waxqabadka dowladda.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u00a0<img decoding=\"async\" id=\"imageuploader1_Image1\" src=\"https:\/\/www.hiiraan.com\/images\/2017\/July\/2017727636367433688515636ra.jpg\" alt=\"\" \/><\/p>\n<p align=\"justify\">Dowladda hadda jirta waa tan heshey taageeradii ugu badneyd ee shacabka meel kasta oo ay joogaan muddo sanado badan kadib ah, waxaana taageerada loo hayo aad looga dareemey baraha bulshada, ololahan &#8216;Igu Dayo&#8217; ayaa la xiriira taageeradaasi xoogga badan ee loo hayo dowladda.<\/p>\n<p align=\"justify\"><strong>Dowladda iyo Baraha Bulshada<\/strong><\/p>\n<p align=\"justify\">Maxamuud Cali oo ka tirsan BBCda ayaa ku waramay in madaxda dowladda Soomaaliya ee cusub ay u badanyihiin rag dhalinyaro ah oo qurbaha ka yimid, aadna u isticmaala baraha bulshada, iyaga oo waxqabadkooda soo bandhiga. Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in taasi ugu wacantahay guuxa dadweynaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa xusid muddan in markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo magacaabayay Ra&#8217;isulwasaare Xassan Cali Kheyre uu magacaabista ku shaaciyey boggiisa Twitter-ka , waxayna ahayd markii ugu horeysey oo taariikhda Ra&#8217;isulwasaare lagu magacaabo baraha bulshada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ma jiro mas&#8217;uul dowladeed oo wali ka hadlay guuxa dadweynaha.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/beec21-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-38485\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/beec21-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/beec21-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/beec21-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/tabarak2341-150x150.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-38486\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/tabarak2341-150x150.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/tabarak2341-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/tabarak2341-150x150-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-38487\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/salaam-1.jpg\" alt=\"\" width=\"450\" height=\"535\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/salaam-1.jpg 450w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/salaam-1-252x300.jpg 252w\" sizes=\"auto, (max-width: 450px) 100vw, 450px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/hormuud-logo-3.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-38488\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/07\/hormuud-logo-3.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa todobaadyadan Baraha bulshada Soomaalida qabsaday olole lagu dhaliilayo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana hal-heys looga dhigey kalmadda &#8216;Igu Sawir&#8217; iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo dowladda oo loogu magac daray &#8216;Igu Dayo&#8217;. Ololahan waxa uu soo biloowdey sanadkii hore , waxaase hadda dib usoo cusbooneysiiyey hees cusub oo uu qaaday fanaanka Ilka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":38492,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-38491","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38491","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=38491"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38491\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":38493,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38491\/revisions\/38493"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/38492"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=38491"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=38491"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=38491"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}