{"id":38026,"date":"2017-06-19T01:51:30","date_gmt":"2017-06-18T22:51:30","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=38026"},"modified":"2017-06-20T02:49:50","modified_gmt":"2017-06-19T23:49:50","slug":"war-murtiyeed-shirweynihii-wadatashiga-ee-hannaanka-dib-u-heshiisiinta-oo-lasoo-gaba-gabeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/war-murtiyeed-shirweynihii-wadatashiga-ee-hannaanka-dib-u-heshiisiinta-oo-lasoo-gaba-gabeeyay\/","title":{"rendered":"War-murtiyeed: Shirweynihii Wadatashiga ee Hannaanka dib-u- heshiisiinta oo lasoo gaba-gabeeyay"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/SHIR-W-ARRIMAHA-GU.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-38027\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/SHIR-W-ARRIMAHA-GU.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"371\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/SHIR-W-ARRIMAHA-GU.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/SHIR-W-ARRIMAHA-GU-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/a>\u00a0<br \/>\nShirweynihii Wadatashiga ee Hannaanka dib-u- heshiisiinta, ayaa xalay si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.<\/p>\n<p>Shirka ayaa waxaa uu socday tan iyo 13-kii bishan, waxaana furitaankiisii ka qeyb-galay, Ra\u2019iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo sidoo kale marti sharaf kale.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jumhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa xalay ka qeyb-galay xiritaankii shirweynaha, waxaana ummada Soomaaliyeed uu kula dar-daarmay in laga shaqeeyo danta guud.<\/p>\n<p>\u201cDhamaanteen waxaan rabnaa \u201cNabad iyo Nolol\u201d, qof walba oo Soomaali ah waa in uu oggaadaa in qabiil aan wax ku tari weeynay, waxa naga dhexeeya waa Qaranimo\u201d, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha.<\/p>\n<p>Dib-u-heshiisiinta ayaa loo arkayaa halka keliya ee Soomaali ay isku imaan karto, waxaana qodobka dib-u-heshiisiinta uu qeyb ka ahaa Ololihii doorashada uu kusoo galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n<p><strong>Halkaan ka aqriso War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka:<\/strong><\/p>\n<p>Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshisiinta Soomaaliya 17, June 2017<\/p>\n<p>Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa \u201cisku daalnaye, maxaynoo dana!\u201d si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.<\/p>\n<p>Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood.<\/p>\n<p><strong>Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:<\/strong><\/p>\n<p>1. \u00a0In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.<\/p>\n<p>2. \u00a0In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo<\/p>\n<p>3. \u00a0In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara.<\/p>\n<p>Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka. Labada qaybood oo kala ahaa:<\/p>\n<p>B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-u- heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynaysay Wasaaradda.<\/p>\n<p>1. \u00a0Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay<\/p>\n<p>2. \u00a0Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed<\/p>\n<p>3. \u00a0Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta<\/p>\n<p>4. \u00a0Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta<\/p>\n<p>5. \u00a0Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka<\/p>\n<p>6. \u00a0Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay<\/p>\n<p>7. \u00a0Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka<\/p>\n<p>8. \u00a0Waayo-aragnimadii iyo \u00a0casharradii laga \u00a0bartay \u00a0dadaalladii dib-u \u00a0heshiineed ee \u00a0bulshadu hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay<\/p>\n<p>T. \u00a0Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, isla markaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa.<\/p>\n<p><strong>Xog\u2013ururintii Ergada Shirweynaha<\/strong><\/p>\n<p>Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan isla markaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer gobolba. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su\u2019aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan leh.<\/p>\n<p><strong>Nuxurka Shirka Kasoo Baxay<\/strong><\/p>\n<p>1. \u00a0In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaystiran.<\/p>\n<p>2. \u00a0Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo HANNAAN.<\/p>\n<p>(hab-raac dhammaystiran) oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay.<\/p>\n<p>3. \u00a0In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan.<\/p>\n<p>4. \u00a0In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-u- heshiisiin gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis.<\/p>\n<p>5. \u00a0In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska.<br \/>\nleedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad.<\/p>\n<p>6. \u00a0In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka ku xeeldheer.<\/p>\n<p><strong>Baaqa Shirka<\/strong><\/p>\n<p>Shirku waxa uu ku baaqayaa:<\/p>\n<p>1. \u00a0In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta.<\/p>\n<p>2. \u00a0In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado.<\/p>\n<p>3. \u00a0In la taageero oo la tayeeyo hay\u2019adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada.<\/p>\n<p>iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen.<\/p>\n<p>4. \u00a0In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaalad- darrooyinka sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xad- gudubyada ka dhan ka ah bani\u2019aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.<\/p>\n<p>5. \u00a0 Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, isla<br \/>\nmarkaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan.<\/p>\n<p>Fiiro Gaar ah: dhammaan macluumaadkii laga soo jeediyey shirka oo faahfaahsan waa keyd ummadeed waxaana haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37974\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37975\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak-2.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak-2.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak-2-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/hormuud-logo-11.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37977\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/hormuud-logo-11.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/salaam-bank-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37976\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/salaam-bank-2.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0 Shirweynihii Wadatashiga ee Hannaanka dib-u- heshiisiinta, ayaa xalay si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban. Shirka ayaa waxaa uu socday tan iyo 13-kii bishan, waxaana furitaankiisii ka qeyb-galay, Ra\u2019iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirada arrimaha gudaha maamul gobolleedyada iyo sidoo kale marti sharaf [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":38027,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-38026","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38026","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=38026"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38026\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":38063,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/38026\/revisions\/38063"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/38027"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=38026"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=38026"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=38026"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}