{"id":37883,"date":"2017-06-15T03:25:38","date_gmt":"2017-06-15T00:25:38","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=37883"},"modified":"2017-06-15T03:25:38","modified_gmt":"2017-06-15T00:25:38","slug":"al-shabaab-oo-sheegatay-masuuliyadda-weerar-xoogan-ay-caawa-fiidkii-ku-qaadeen-posh-club-ee-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/al-shabaab-oo-sheegatay-masuuliyadda-weerar-xoogan-ay-caawa-fiidkii-ku-qaadeen-posh-club-ee-muqdisho\/","title":{"rendered":"Al Shabaab Oo Sheegatay Mas&#8217;uuliyadda Weerar Xoogan Ay Caawa Fiidkii Ku Qaadeen Posh Club Ee Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas&#8217;uuliyadda weerar xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay goob lagu Caweeyo oo ku taal degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>War laga baahiyay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in weerar aad u xooganaa uu caawa fiidkii ka bilaawday magaalada Muqdisho<\/p>\n<p>&#8220;Halyeeyo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii weerar inqimaasi ku qaaday Kalaab lagu tunto oo ay ku caweeyaan Ajaanibta, Saraakiisha Murtadiinta iyo shaqaalaha kooxda ridada Soomaaliya\u201d ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.<\/p>\n<p>Jugta qarax weyn ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka caafimaadka kuwaasi oo halkaasi ka daad gureeyay meydad iyo dhaawacyo.<\/p>\n<p>Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu bilaabay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay toogasho ay fulinayeen ciidamo hubeysan<\/p>\n<p>&#8220;Weerarka ayaa ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyey halyeey hogaaminayey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna majmuuca ka tirsan mujaahidiinta ayaa xoog ku galay dhismaha Hotelka\u201d ayaa lasii raaciyay warka lagasii daayay idaacadda Andalus.<\/p>\n<p>ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ragga weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen dhismaha \u00a0oo ah dabaq ka kooban dhowr Biyaano waxaana halkaasi ka dhacay toogashooyin aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay,<\/p>\n<p>Weerarkan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya balanqaadyo ku aaddan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku xiiqayeen mas&#8217;uuliyiinta DF-ka.<\/p>\n<p>Ciidamada loogu magac daray &#8216;Xasilinta Caasimadda&#8217; ayaa awoodi waayay in ay ka hortagaan weerarka aadka uweyn iyo dilalka joogtada ka noqday degmooyinka gobolka Banaadir.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas&#8217;uuliyadda weerar xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay goob lagu Caweeyo oo ku taal degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. War laga baahiyay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in weerar aad u xooganaa uu caawa fiidkii ka bilaawday magaalada Muqdisho &#8220;Halyeeyo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":37802,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-37883","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37883","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=37883"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37883\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":37886,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37883\/revisions\/37886"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/37802"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=37883"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=37883"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=37883"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}