{"id":37500,"date":"2017-06-04T23:18:44","date_gmt":"2017-06-04T20:18:44","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=37500"},"modified":"2017-06-05T02:17:26","modified_gmt":"2017-06-04T23:17:26","slug":"nin-sigtey-ma-noola-faallo-taabaneysa-dhinacyo-badan-oo-uu-qorey-diplomacy-abdulkadir","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/nin-sigtey-ma-noola-faallo-taabaneysa-dhinacyo-badan-oo-uu-qorey-diplomacy-abdulkadir\/","title":{"rendered":"Nin Sigtey ma Noola! Faallo Taabaneysa Dhinacyo Badan oo uu Qorey Diplomacy Abdulkadir."},"content":{"rendered":"<p dir=\"ltr\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/nin-sigtey-ma-noola-faallo-taabaneysa-dhinacyo-badan-oo-uu-qorey-diplomacy-abdulkadir\/soomaalida-mareykan-dhuumasho-2\/\" rel=\"attachment wp-att-37501\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37501\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/soomaalida-mareykan-dhuumasho.jpg\" alt=\"\" width=\"620\" height=\"349\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/soomaalida-mareykan-dhuumasho.jpg 620w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/soomaalida-mareykan-dhuumasho-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 620px) 100vw, 620px\" \/><\/a>Akhristow cinwaanka qoraalkeygu<br \/>\n\u201dNin sigtay ma noola\u201d nuxurkiisu wuxuu xambaarsan yahay sida ay dawladda Kenya qarka ugu saarneyd iney ku guuleysato diidmadeeda ah in maxakamaddu aysan xaq u lahayn qaadidda dacwadaan maadaama heshiiska is-af-garadka ah (MoU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu yahay hab ka mid ah hababka lagu xalliyo murnaka dhex mara labadii dawladood ee xad-badeedka isku qabsada.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaan qoraallo hore ku iftiimiyey baahida keentay is-afgaradka (MoU) oo saldhig u ahaa sidii loo dhammaystiri lahaa xadaynta qalfoofka badda oo waqtigeedu ku ekaa May 13, 2009. Waxaan qoraal kale kaga hadlay ujeeddada khaldan ee Kenya ay ka lahayd is-af-garadkaas iyo sidii ay ugu diyaargarowdey wixii ay ku qori lahayd iyo wixii ay ku hoos qarin lahaydba iyadoo hawshaas ay u sahashay dayac iyo diyaargarow la\u2019aan dhanka masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ah. Heshiiskii is-af-garadka waxaa diyaariyey dawladda Norway waxayna dawladda Soomaaliya wax ka beddeshay oo keliya cinwaanka oo ay ku dartay ereyga ah \u201cto each other\u201d. Dawladda Kenya wax bay ka beddeshay qoraalka ay diyaarisey dawladda Norway balse qoraalka maxkamadda la soo dhigay laguma caddayn waxyaabihii ay beddeshay.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaa xusid mudan in aan la wadaagay garyaqaannadii na mataleyey farriin uu ila wadaagay aqoonyahan u dhashay waddanka Norway kuna lug lahaa xaaladda badda Soomaaliya taasoo uu ku caddeynayey in heshiiskaas uusan ahayn sida khaldan ee dawladda Kenya ku doodeyso.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Diidmada dawladda Kenya ee in maxkamaddu qaaddo dacwadan waxaa aasaas u ahaa in markii ay Kenya saxiixeysey 1965 heshiiskii ka mid noqoshada maxkamaddan caalaamiga ah ay raacisay shuruud ah in haddii la helo hab ama waddo kale oo lagu xallin karo muranka dhex-mara Kenya iyo dawlad kale aysan maxkamaddani soo geli karin murankaas ama dacwadaas. Dawladdii Soomaaliya waxay saxiixday 1963 isla heshiiskaas ka mid noqoshada iyada oo aan wax shuruud ah ku xirin. Waxaa intaas dheer in dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda aan ku dhaqanno oo lagu soo diyaariyey waddanka Kenya lagu soo daray qodob aan ku jirin dastuurradii ka horreeyey ee waddanka oo aad mooddo inuu hordhac u ahaa in muranka badda aan dacwad lagu xallin ee heshiiska is-af-garadka ah laga dhigo hab kale oo wax lagu xallin karo.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaa kaloo dawladda Kenya ay saldhig uga dhigtay dacwadeeda in heshiiskii is-af-garadku uusan u baahnayn ansixinta golaha baarlamaanka oo uu dhaqan gal yahay markii saxiixa ay ku duugeen labadii wasiir ee kala matalayey Soomaaliya iyo Kenya. Nasiib xumo sidoo kale dastuurkeena ku meel-gaarka ah waxaa ka maqan in baarlamaanku si aqlabiyad-buuxda ah ku ansixiyo wixii sharci ah oo khuseeya xuduudaha waddankeenna sida dastuurkii 1960 kii ku qornayd.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Dayaca iyo diyaargrow la\u2019aanta\u00a0 xaggeenna ah waxaa caddayn kuugu fulin jawaabta qoraalka ah ee uu bixiyey\u00a0 garyaqaan Abdulqawi Yusuf oo ah ku xigeenka maxkamadda oo dhaliil culus uu u soo soo jeediyey labada dal. Waxaa hadalkiisa laga dheehan karaa inaan si indho la\u2019aan ah u saxiixnay heshiis is-afgarad oo aynaan wax badan fikirkiisa iyo diyaarintiisa kala socon ama iskaba fiirin. Garyaqaan Abdulqawi wuxuu qoray \u201dNo Government can afford today to put its signature to a bilateral legal instrument which it has neither carefully negotiated nor to which it has hardly contributed.\u201d Ma jirto dawlad kasoo kabsan karta iney saxiixdo heshiis laba-dhinac ah oo aysan si taxadar leh uga xaajoon ama aysan diyaarintiisa qayb ka ahaynba<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Ilaahey mahaddiis waxaa maxkamaddu xukuntay in ay dacwadaas geli karto. Dacwada qaybtii hore waxaa qaadayey ilaa14 garsoore oo u kala dhashay waddamo kala duwan uuna ku jiray ku xigeenka maxakammadda oo u dhashay Soomaaliya. Garsoorayaashii maxkamaddu iskuma wada raacin in dacwadaan la galo oo saddex ka mid ah (waa inta aan ogahay) waxay taageereen mowqifka dawladda Kenya oo ah in heshiiskii is-af-garadku (MoU) uu yahay hab wax lagu xalli karo oo maxkamaddu aysan sharci u lahayn inay gasho dacwaddan.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaa kale oo mahad leh dadkii ka hawlgalagay dacwadaas oo ay ugu horreeyaan garyaqaannaddii na matalayey iyo masuuliyiintii kale ee dawladda balse waxaa mudan in la is xasuusiyo in aan u diyaargarownno in sidii shalay naloo gaaday aan naloo gaadin oo weli xaalkeennu taagan yahay \u2026.\u201dNin sigtay ma noola\u201d.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaan isku dayayaa in aan iftiimiyo hawsha hadda na hor taal iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacawada qaybteeda muhiimka ah oo ah xadeynta xuduudda badda aan la wadaagnno waddanka Kenya. Waxaa dacwada qaybteeda labaad loo ballansan yahay in la gudo galo 18ka bisha December ee sannadkan 2017.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Akhristow diyaargarowga waxaa loo qaybshaa dhowr nooc oo marka aad fiiriso xaaladaha muranka badda ee aan kor kaga soo sheekeeyey aad mooddo in aan mar walba ku sugan nahay diyaargarowga\u00a0 nooca\u00a0 ugu natiijo xun balse loo baahan yahay in aan ku dhaqaaqno sidaan ku gaari lahayn kan ugu natiijo fiican. Waa kuwan qaar ka mid ah noocyada diyaargarowga:<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Diyaargarow ku salaysan ka fal-celin wixii hadba kugu dhaca\u00a0 \u2013 Reactive<br \/>\nDiyaargarow (la\u2019aan) aan dhaafsiisnayn waxa maanta taagan\u00a0 \u2013 Inactive<br \/>\nDiyaargarow ku salaysan waxa mustaqbalka laga filan karo ama dhici kara iyadoo laga duulayo wixii la soo maray iyo waxa maanta taagan \u2013 Proactive<br \/>\nDiyaargarowgu si uu miro dhal u noqdo wuxuu u baahan yahay waqti, dhaqaale, aqoon iyo talo saarasho ilaahey oo ah tiirka ugu muhiimsan balse u baahan in lagu kaabo dadaal iyo feejignaan dheeri ah. Waxaan shaki ku jirin in dawladdii middaan ka horreysey ay muujisey sida aysan uga tanaasulayn in xaduudaheeda badda xaal- mastuur iyo wada-hadallo hagardaamo xambaarsan lagu xalaaleysto. Waxaa hawshaas garab weyn ka geystay dadweynaha Soomaaliyeed oo taagero aan la koobi karin ka geystay iyo garyaqaanno leh xirfad ay ku soo bandhigeen xaqa aan u leennahay in xuduudda baddeenna lagu difaaco xeerarka adduunka u degsan.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa \u201cfuley xantiis ma mooga\u201d oo waxaa muuqata dhaqaale yari xoog leh oo haysata dawladda hadda jirta taasoo sababi karta ama sababtay in garyaqaannaddii dacwadaan horey u galay ama kuwa aan hadda looga maarminba loo heli karin dhaqaalihii laga ballan qaaday ama ay u baahnaayeen. Waxaa kaloo dhici karta in aqoonyahannadii iyo farsamo yaqaannadii ka hawl galay dacwadddan uu saameeyey is-beddelka siyaasadeed iyo kan dhaqaalaba kaasoo keeni kara dib-u-dhac iyo xog badan oo dhunta.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Waxaan aad ugu kalsoon ahay in madaxda maanta hoggaamineysa dawladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Maxamed A. Farmaajo iyo wasiirka kowaad, mudane Xasan A. Khayre ay yihiin masuuliyiin ay ka go\u2019an tahay difaacidda xuduudaha baddeenna. Waxaan rajaynayaa in ay si hagar la\u2019aan ah ugu diyaargaroobi doonaan dacwadaas oo u baahan\u00a0 diyaargrowga nooca saddexaad (Proactive) maadaama guusha dacwadaas iyo guul-darradeedaba (ilaahey naguma keenee)\u00a0 ay noqon doonto mid taariikhda u gasha oo jiilalka soo soocda ay ku xasuustaan.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">W\/Q\u00a0\u00a0\u00a0 : Diplomacy Abdulkadir<br \/>\nE-mail : <a href=\"mailto:diplomatic947@gmail.com\" target=\"_blank\">diplomatic947@gmail.com<\/a><\/p>\n<p dir=\"ltr\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p dir=\"ltr\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/gudoonka-sare-ee-hayadda-caafimaadka-adduunka-oo-soomaaliya-kamid-noqotey\/becco-60\/\" rel=\"attachment wp-att-37412\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37412\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/gudoonka-sare-ee-hayadda-caafimaadka-adduunka-oo-soomaaliya-kamid-noqotey\/tabaarak-52\/\" rel=\"attachment wp-att-37411\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37411\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/gudoonka-sare-ee-hayadda-caafimaadka-adduunka-oo-soomaaliya-kamid-noqotey\/hormuud-logo-54\/\" rel=\"attachment wp-att-37410\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37410\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/gudoonka-sare-ee-hayadda-caafimaadka-adduunka-oo-soomaaliya-kamid-noqotey\/salaam-bank-61\/\" rel=\"attachment wp-att-37413\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37413\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/salaam-bank.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/06\/nin-sigtey-ma-noola-faallo-taabaneysa-dhinacyo-badan-oo-uu-qorey-diplomacy-abdulkadir\/soomaalida-mareykan-dhuumasho-2\/\" rel=\"attachment wp-att-37501\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-37501\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/soomaalida-mareykan-dhuumasho.jpg\" alt=\"\" width=\"620\" height=\"349\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/soomaalida-mareykan-dhuumasho.jpg 620w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/06\/soomaalida-mareykan-dhuumasho-300x169.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 620px) 100vw, 620px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Akhristow cinwaanka qoraalkeygu \u201dNin sigtay ma noola\u201d nuxurkiisu wuxuu xambaarsan yahay sida ay dawladda Kenya qarka ugu saarneyd iney ku guuleysato diidmadeeda ah in maxakamaddu aysan xaq u lahayn qaadidda dacwadaan maadaama heshiiska is-af-garadka ah (MoU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu yahay hab ka mid ah hababka lagu xalliyo murnaka dhex mara labadii dawladood [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":37501,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-37500","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37500","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=37500"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37500\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":37504,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/37500\/revisions\/37504"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/37501"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=37500"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=37500"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=37500"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}