{"id":3710,"date":"2011-10-20T13:04:25","date_gmt":"2011-10-20T13:04:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=3710"},"modified":"2011-10-20T13:04:25","modified_gmt":"2011-10-20T13:04:25","slug":"war-saxaafadeed-ay-tacsi-ugu-direyso-dowlda-faransiiska-oo-ka-soo-baxay-xukuumada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2011\/10\/war-saxaafadeed-ay-tacsi-ugu-direyso-dowlda-faransiiska-oo-ka-soo-baxay-xukuumada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"War Saxaafadeed Ay Tacsi Ugu Direyso Dowlda Faransiiska Oo Ka Soo Baxay Xukuumada Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<h4><strong>Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)<\/strong><strong><\/strong><\/h4>\n<p><strong><span style=\"text-decoration: underline;\">War Saxaafadeed 55\/2011<\/span><\/strong><\/p>\n<p><strong>Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska Haweeneydii Faransiiska ahayd\u00a0ee geeriyootay<\/strong><\/p>\n<p>(Muqdisho, Oktoobar 19, 2011) Ra\u2019iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal ku haysteen gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dabley hubeysan ayaa Marie ka soo afduubtay jasiirad ku taalla dalka Kenya, kadibna u soo gudbiyay dalkeena Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul-wasaaraha ayaa falkan ku sifeeyay inuu yahay mid ka baxsan bani\u2019aadannimada, isla markaana meel uga dhacaya sharafta shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cAad baan uga xunnahay geerida ku timid Marie. Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ka shaqeyneynay oo aan rajeyneynay in la soo daayo. Nasiib darro, argagixiso ku xiran Al-Qaacida iyo burcad-badeed ayaa khatar u haya nabadgelyada Soomaaliya, gobolka iyo caalamkaba. Xukuumaddeyduna waxay ka shaqeyn doontaa sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.\u201d<\/p>\n<p>Falkan murugada leh wuxuu muujinayaa mas\u2019uuliyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ka saran in la nabadeeyo Soomaaliya. In laga caawiyo Soomaaliya dhinacyada sharciga iyo kala-dambeynta iyo horumarka dhaqaalaha ayuunbaa looga guuleysan karaa xagjirnimada iyo burcad-badeednimada.<\/p>\n<p><strong>DHAMMAAD <\/strong><\/p>\n<h4><strong>Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com) War Saxaafadeed 55\/2011 Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska Haweeneydii Faransiiska ahayd\u00a0ee geeriyootay (Muqdisho, Oktoobar 19, 2011) Ra\u2019iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[49],"class_list":["post-3710","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka","tag-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3710","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3710"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3710\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3714,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3710\/revisions\/3714"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3710"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3710"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3710"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}