{"id":36350,"date":"2017-04-28T22:28:11","date_gmt":"2017-04-28T19:28:11","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=36350"},"modified":"2017-04-28T22:35:10","modified_gmt":"2017-04-28T19:35:10","slug":"gobollada-ay-abaaruhu-saameeyeen-dhaqaatiir-kasoo-shaqeeyey-oo-shahaado-la-gudoonsiiyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/gobollada-ay-abaaruhu-saameeyeen-dhaqaatiir-kasoo-shaqeeyey-oo-shahaado-la-gudoonsiiyey\/","title":{"rendered":"Gobollada ay Abaaruhu saameeyeen Dhaqaatiir kasoo shaqeeyey oo SHahaado la gudoonsiiyey."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/gobollada-ay-abaaruhu-saameeyeen-dhaqaatiir-kasoo-shaqeeyey-oo-shahaado-la-gudoonsiiyey\/dhaqaatiir-abaaraha\/\" rel=\"attachment wp-att-36351\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36351\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/dhaqaatiir-abaaraha.png\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"360\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/dhaqaatiir-abaaraha.png 640w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/dhaqaatiir-abaaraha-300x169.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/a>Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay wax qabadka dhaqaatiir howlo caafimaad oo samafal ah ka soo qabtay qaar ka mid ah gobolada ay abaaruhu saameeyeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p align=\"justify\">Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association), waxaana ka qeyb galay aqoonyahano, qaar ka mid ah dhaqaatiirta magaca ku leh dalka, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iyo marti sharaf kale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Drs. Luul Maxamed Max\u2019uud oo ah Madaxa qeybta gurmadka deg deg ah ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo furitaankii xafladaas ka hadashay ayaa ka warantay kaalinta Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka qaadanayo gurmadka abaaraha, waxayna xustay in cudurada Jadeecada iyo daacuunka ay yihiin kuwa ugu badan ee sameeyey dadka ku nool gobolada ay abaaruhu ka jiraan.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cMeelaha aan dhaqaatiirta u dirnay ee cuduradan ay ka jireen waxaa ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool oo ka mid ahaa meelaha ugu daran ee dhimashadu ka jirtay, dhaqatiirtuna ku yaraayeen, shaqo fiican ayey ka soo qabteen runtii, xaaladii adkeyd ee ka jirtayna wax badan ayey ka bedeleen sidoo kale dadka ku soo barakacay gobolka Banaadir iyo hareerihiisa ayey dhaqaatiirtu baaritaano iyo daweyn u sameeyeen\u201d ayey tiri Drs. Luul oo intaa ku dartay in baahida loo qabo dhaqaatiirtu ay badan tahay balse ay kooban tahay awooda ay ku dabooli lahaayeen, tas\u2019hiilaad xumo iyo isku xir la\u2019aan jirta awgeed, iyadoo soo jeedisay talooyin ku aadan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyey dhaqaatiirta ka soo laabatay gobolada ay ka jiraan abaaraha, wuxuuna dhinaca kale xusuusiyey in weli shaqo badan ay harsan tahay maadaama cuduro iyo dhibaatooyin bada laga sheegayo gobolada dalka qaarkood, loona baahan yahay in wax laga qabto, wuxuuna ku booriyey iney dedalkooda sii wadaan.<\/p>\n<p align=\"justify\">Guddoomiyaha Mu\u2019asasada Jaamacadda Banaadir Dr. C\/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaaatirta dhalinyarada ah yihiin kuwo looga fadhiyo iney cudurada ka badbaadiyaan bulshada Soomaaliyeed, maadaama buu yiri dhaqaatiirtii hore ay da\u2019 ka daba timid, wuxuuna xusay in xaaladaha ka dhashay abaaraha aysan weli fari qodneyn, loona baahan yahay dedaal iyo shaqo adag.<\/p>\n<p align=\"justify\">Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa isna ku amaanay dhaqaatiirta ka soo shaqeeyey gobolada howsha culus ee ay soo qabteen xili baahi weyn loo qabay, wuxuuna xusay in tani ay muujineyso kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraa bulshada.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cCuduradii ka dhashay abaaraha weli waa jiraan, inkastoo awooda ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed ay tahay mid aad u kooban, haddana dedaalka ay muujiyeen waa wax aysan taariikhdu iloobi doonin, waxaana ku boorinayaa iney sii wadaan intii karaankood ah gurmadka ay shacabkooda kaga badbaadinayaan cudurada abaaraha ka dhashay\u201d ayuu yiri Prof. Dufle oo dhinaca kale ka waramay kaalinta dhaqaatiirtu kaga jireen weligood wax u qabashada bulshadooda.<\/p>\n<p align=\"justify\">Waxaa sidoo kale xafladaas hadalo ka jeediyey xubno ku hadlayey magaca dhaqaatiirta da\u2019da yare ee ka soo laabtay gobolada ay ka jiraan abaaraha, sidoo kale waxaa khudbado aad u qiime badnaa ka jeediyey dhaqaatiir ay ka mid ahaayeen Dr. Cismaan Aadan Cadde, Dr. Xassan Maxed Xabiibullah Xoghayaha guud ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) iyo xubno kale.<\/p>\n<p align=\"justify\">Munaasabada ayaa ugu danbeyntii ayeey urur dhaqaatiirta Soomaaliyeed shahaado Sharafeed ku guddoonsiiyeen dhaqaatiirtii ka soo shaqeeyey gobolada dalka oo isugu jiray hablo iyo Wiilal kuwaasoo ay ku muteysteen sida naf hurnimada leh ee ay wax uga soo qabteen cuduradii ka jiray degaanadii loo diray.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/becco-53\/\" rel=\"attachment wp-att-36254\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36254\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/becco-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/tabaarak-47\/\" rel=\"attachment wp-att-36255\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36255\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/hormuud-logo-43\/\" rel=\"attachment wp-att-36253\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36253\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/hormuud-logo-10.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/salaam-bank-56\/\" rel=\"attachment wp-att-36256\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36256\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/salaam-bank-3.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay wax qabadka dhaqaatiir howlo caafimaad oo samafal ah ka soo qabtay qaar ka mid ah gobolada ay abaaruhu saameeyeen ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed (Somali Medical Association), waxaana ka qeyb galay aqoonyahano, qaar ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":36351,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-36350","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/36350","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=36350"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/36350\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":36353,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/36350\/revisions\/36353"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/36351"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=36350"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=36350"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=36350"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}