{"id":36341,"date":"2017-04-28T20:32:28","date_gmt":"2017-04-28T17:32:28","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=36341"},"modified":"2017-04-28T20:34:02","modified_gmt":"2017-04-28T17:34:02","slug":"golaha-xukuumadda-oo-shirkoodii-looga-hadley-qodobo-dhawr-ahmaxaa-kamid-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/golaha-xukuumadda-oo-shirkoodii-looga-hadley-qodobo-dhawr-ahmaxaa-kamid-ah\/","title":{"rendered":"Golaha Xukuumadda oo shirkoodii looga hadley Qodobo Dhawr ah\/Maxaa kamid ah?."},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/golaha-xukuumadda-oo-shirkoodii-looga-hadley-qodobo-dhawr-ahmaxaa-kamid-ah\/golaha-wasiirada-shir\/\" rel=\"attachment wp-att-36342\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36342\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/golaha-wasiirada-shir.jpg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"440\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/golaha-wasiirada-shir.jpg 660w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/golaha-wasiirada-shir-300x200.jpg 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/a>Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre.<\/p>\n<p>Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.<\/p>\n<p>Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel wanaagsan marayo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Guddoonka iyo Guddiyada Difaaca &amp; Amniga ee Baarlamaanka oo uu xalay kulan xog-wareysi ah la qaatay, iyadoo baarlamaanku uu si furfuran ula xisaabtamay Xukuumada Qorshaha Amniga Qaranka. Falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla gartay in macluumaadka la wada wadaagay labada dhinac ay muhiim ahaayeen, laguna ballamay in waxii tallooyin ah la wada wadaago.<\/p>\n<p>Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka &amp; Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay\u2019adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo. Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siiyaan raashinka ciidanka, mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah.<\/p>\n<p>Wasiirka Gargaarka &amp; Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada gurmadka gargaarka oo ay sheegtay in iskudubaridka iyo xiriirka uu si fiican u socdo. Wasiirada ayaa sheegtay inay qorsheynayaan bisha Ramadaan inay gargaar gaarsiiyaan qoysas gaaraya 100,000.<\/p>\n<p>Wasiirka Caafimaadka ayaa ka warbixisay xaalada shuban-biyoodka iyo Daacuunka oo ay sheegtay in dad gaaraya 31,764 ay cudaradan la daalaadhacayaan iyadoo xarumo ku yaalla 50 degmo lagu dabiibayo. Illaa iyo hadda waxaa la soo sheegay in 618 qof ay u dhinteen cuduradan, iyadoo ay socoto dadaal tallaal ah oo 450,000 oo qof la tallaalay.<\/p>\n<p>Wasiirka Qorsheynta ayaa ka warbixiyey dhaqangelinta barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo uu sheegay muhiimada dhammaan hay\u2019adaha dowladda inay qorshahooda ku saleeyaan Qorshahan Horumarinta Qaranka.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha Caalamka iyo Dowladaha taageera Soomaaliya hadda ka dib waa in kaalmadooda ay ku soo saleeyaan Qorshahan iyadoo Dowladda Federaalku ay saxiixi doonto dhammaan kaalmada caalamiga ah ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/becco-53\/\" rel=\"attachment wp-att-36254\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36254\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/becco-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/tabaarak-47\/\" rel=\"attachment wp-att-36255\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36255\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/hormuud-logo-43\/\" rel=\"attachment wp-att-36253\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36253\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/hormuud-logo-10.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/04\/puntland-oo-gacanta-ku-dhigtey-foostooyin-qaraxyo-laga-soo-buuxiyey\/salaam-bank-56\/\" rel=\"attachment wp-att-36256\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-36256\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/04\/salaam-bank-3.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra\u2019iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale. Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel wanaagsan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":36342,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-36341","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/36341","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=36341"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/36341\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":36344,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/36341\/revisions\/36344"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/36342"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=36341"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=36341"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=36341"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}