{"id":34802,"date":"2017-03-10T21:32:59","date_gmt":"2017-03-10T18:32:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=34802"},"modified":"2017-03-10T21:42:14","modified_gmt":"2017-03-10T18:42:14","slug":"rw-kheyre-oo-ganacsato-iyo-ururo-bulsho-kala-hadley-xaalada-abaarta-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/03\/rw-kheyre-oo-ganacsato-iyo-ururo-bulsho-kala-hadley-xaalada-abaarta-dalka\/","title":{"rendered":"R\/W Kheyre oo Ganacsato iyo Ururo Bulsho kala hadley xaalada Abaarta Dalka."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Ra\u2019iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta ba\u2019an ku yeesheen.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan taakuleynta dadkan, isaga oo xusay in guddiga gurmadka Qaran ee Abaaraha ay ku tabarucaan wixii dhaqaale ah, isla markaana ay ka mid noqdaan howlwadeenada guddiga si ay u ogaadaan habka loo maamulayo lacagahaasi.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cHaddii ay jirto maalin la idiin baahan yahay, maanta ma jirto maalin la idiinkaga baahi badan yahay, waxaan idinka codsanayaa inaad si dhaqso leh ku bixisaan wixii aad awoodaan ee aad ku taakuleyn kartaan shacabka abaareysan\u201d ayuu ku yiri ra&#8217;iisal wasaare\u00a0 Kheyre xubnihii ganacsatada oo ay hogaaminayeen Rugta ganacsiga Soomaaliyeed.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cHaddii aad lacag abuurtaan, halkeed ku cuneysaan, haddiiba dadkiinii ay abaaro u le\u2019anayaan, waad la socotaan shacabka Soomaaliyeed kala bar abaartu wey saameysay\u201d ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in guddigan ay madax u yihiin dad wadaado ah oo bulshada dhexdeedana sumcad ku leh.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ganacsatada ayaa dhinacooda ballan qaaday in ay bixinayaan dhaqaalo lagu taakuleeyo dadkaasi ay abaaruhu ku dhufteen, iyaga oo tilmaamay in si madax banana ay uga qeyb qaateen taakuleynta abaaraha, taana ay diyaar u yihiin inay gurmad qaran oo si wada jir ah loogu fidiyo dadkaasi u baaba\u2019aya gaajada, haraadka iyo xanuunada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu dambeyntii, ra\u2019iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu fududeynayo wax kasta oo ku xiran dhanka dowladda si loo helo gargaar gudaha iyo dibedda, isaga oo ugu baaqay dadka ku nool qurbaha inay kaalinta ugu weyn ka qaataan taakuleynta dadkaasi.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/03\/gobolka-shdhexe-deegaano-ka-tirsan-oo-tiro-20-qof-ahi-ugu-dhinteen-cudurka-shuban-biyoodka\/becco-47\/\" rel=\"attachment wp-att-34759\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34759\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/becco-1.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/becco-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/becco-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/03\/gobolka-shdhexe-deegaano-ka-tirsan-oo-tiro-20-qof-ahi-ugu-dhinteen-cudurka-shuban-biyoodka\/tabaarak-41\/\" rel=\"attachment wp-att-34760\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34760\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/tabaarak-1.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/tabaarak-1.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/tabaarak-1-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/03\/gobolka-shdhexe-deegaano-ka-tirsan-oo-tiro-20-qof-ahi-ugu-dhinteen-cudurka-shuban-biyoodka\/salaam-bank-50\/\" rel=\"attachment wp-att-34761\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34761\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/salaam-bank-1.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/03\/gobolka-shdhexe-deegaano-ka-tirsan-oo-tiro-20-qof-ahi-ugu-dhinteen-cudurka-shuban-biyoodka\/hormuud-logo-29\/\" rel=\"attachment wp-att-34758\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34758\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/03\/hormuud-logo-1.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ballaaran la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada bulshada, isaga oo kala hadlay sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah oo lagu gaarsiin karo dadka ay abaaruhu saameynta ba\u2019an ku yeesheen. Ra\u2019iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan taakuleynta dadkan, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":34804,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-34802","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34802","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=34802"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34802\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":34803,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34802\/revisions\/34803"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/34804"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=34802"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=34802"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=34802"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}