{"id":34613,"date":"2017-03-03T02:42:16","date_gmt":"2017-03-02T23:42:16","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=34613"},"modified":"2017-03-03T02:43:37","modified_gmt":"2017-03-02T23:43:37","slug":"rwasaarihii-hore-cumar-crashiid-oo-xilka-ku-wareejiyey-rw-cusub-xasan-cali-kheyre","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/03\/rwasaarihii-hore-cumar-crashiid-oo-xilka-ku-wareejiyey-rw-cusub-xasan-cali-kheyre\/","title":{"rendered":"R\/Wasaarihii Hore Cumar C\/rashiid oo Xilka ku wareejiyey RW cusub Xasan Cali KHeyre."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen ra\u2019iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ra\u2019iisal wasaaraha xilka ka degay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ra\u2019iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra\u2019iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.<\/p>\n<p align=\"justify\">Sidoo kale, ra\u2019iisal wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay ra\u2019iisal wasaare Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u201cWaxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisal Wasaare Kheyre oo xusay in uu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiirada.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dhanka kale, ra\u2019iisal wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxa uuna ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu gacan ka geysto samatabixinta dadkaasi abaaruhu aafeeyeen, isaga oo carabka ku adkeeyey inuu muhiimada koowaad ay u tahay kaalmeynta dadkaasi.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/qmidoobey-oo-madax-ka-tirsan-u-socdaalayaan-dalalka-yemen-iyo-soomaaliya\/becco-45\/\" rel=\"attachment wp-att-34454\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34454\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-5.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-5.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-5-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/qmidoobey-oo-madax-ka-tirsan-u-socdaalayaan-dalalka-yemen-iyo-soomaaliya\/tabaarak-39\/\" rel=\"attachment wp-att-34455\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34455\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/qmidoobey-oo-madax-ka-tirsan-u-socdaalayaan-dalalka-yemen-iyo-soomaaliya\/hormuud-logo-27\/\" rel=\"attachment wp-att-34453\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34453\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/hormuud-logo-6.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/qmidoobey-oo-madax-ka-tirsan-u-socdaalayaan-dalalka-yemen-iyo-soomaaliya\/salaam-bank-48\/\" rel=\"attachment wp-att-34456\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34456\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/salaam-bank-5.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen ra\u2019iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ra\u2019iisal wasaaraha xilka ka degay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub. Ra\u2019iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":34615,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-34613","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34613","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=34613"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34613\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":34614,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34613\/revisions\/34614"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/34615"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=34613"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=34613"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=34613"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}