{"id":34330,"date":"2017-02-20T00:35:02","date_gmt":"2017-02-19T21:35:02","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=34330"},"modified":"2017-02-20T00:37:17","modified_gmt":"2017-02-19T21:37:17","slug":"laamaha-caddaaladda-iyo-maaliyadda-d-f-s-oo-mweyne-farmaajo-kulan-la-yeeshey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/laamaha-caddaaladda-iyo-maaliyadda-d-f-s-oo-mweyne-farmaajo-kulan-la-yeeshey\/","title":{"rendered":"Laamaha Caddaaladda iyo Maaliyadda D.F.S oo m\/weyne Farmaajo kulan la yeeshey."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha\u00a0Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, isagoo kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.<\/p>\n<p>Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in daah-furnaanta Maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ay yihiin waxyaabaha ugu horreeya ee uu mudnaanta siinayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaadaan dowladda. Waxa uu faray hay\u2019adaha maaliyadda in laga digtoonaado wax walba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.<\/p>\n<p>Madaxweynaha waxaa uu yiri \u201cmusuqmaasuqa ma aha oo kaliya in shaqaalaha hoose lagala dagaallamo. Waa in xafiisyada dalka ugu sarreeya ay noqdaan kuwa ka caafimaad qabo musuqmaasuqa. Waxaan farayaa hay\u2019adaha maaliyadda in ay kasbadaan kalsoonida canshuur bixiyeyaasha. Shaqada ugu horreyso ee aan ka dooneyno hay\u2019adahan waa in shaqaalaha ka hawl gala xafiisyadaas in ay helaan mushaar joogta oo ay uga fogaan karaan in ay ku takri falaan amaanada loo dhibay.\u201d<\/p>\n<p>Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku Xigeenka Xeerl Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Asluubta iyo saraakiisha Wasaaraddaasi, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta laamaha garsoorka dalka.<\/p>\n<p>\u201cWaxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabaan waxaa kamid ah in sharciga loo sinnaado oo qofkii dambi lagu helo lagu ciqaabo. Waxaan rajeynayaa in hay\u2019adaha Garsoorka, Maxakmadaha, Booliiska, dambi baarista iyo asluubta in ay wada shaqeeyaan oo qolo walba ay kaalinteeda si hufan u hawlgaliso. Waxaa kale oo muhiim ah in la kobciyo aqoonta garsoorayaasha si aysan u qaadan xukunno khaldan oo ku xadgubayo qof aan waxba galabsan.\u201d Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la dardargelin doono magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumaddii hore bilowday balse wali aan la dhameystirin. Golaha Adeegga Garsoorka ayaa ah hay\u2019addii anshax marin lahayd Garsoorayaasha, sidaas darteedna loo baahanyahay in si degdeg ah hawshaasi loo fuliyo.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in musuq maasuqa iyo caddaalad darrada meel looga soo wada jeesto maadaama ay saldhig u yihiin dowlad xumada iyo amni darrada dalka ka jirta.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/becco-43\/\" rel=\"attachment wp-att-34223\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34223\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/tabaarak-38\/\" rel=\"attachment wp-att-34224\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34224\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/hormuud-logo-25\/\" rel=\"attachment wp-att-34226\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34226\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/salaam-bank-47\/\" rel=\"attachment wp-att-34225\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34225\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/salaam-bank-4.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha\u00a0Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, isagoo kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka. Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":34332,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-34330","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34330","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=34330"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34330\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":34331,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34330\/revisions\/34331"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/34332"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=34330"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=34330"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=34330"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}