{"id":34281,"date":"2017-02-17T22:33:40","date_gmt":"2017-02-17T19:33:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=34281"},"modified":"2017-02-17T22:36:42","modified_gmt":"2017-02-17T19:36:42","slug":"soomaaliya-oo-si-buuxda-ula-wareegi-doonta-maamulida-hawadeeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/soomaaliya-oo-si-buuxda-ula-wareegi-doonta-maamulida-hawadeeda\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo si buuxda ula wareegi doonta Maamulida Hawadeeda."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada \u00a0Somaliya Cali Axmed Jaamac \u201cJangali\u201d ayaa shalay xarunta ICAO ee magaalada Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria, waxaana \u00a0ka wada hadleen sidii dardar loo galin laha soo dhameystirka qalabka hagidda diyaaradaha ee loo iibinayo Soomaliya.<\/p>\n<p>Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa siddeed garoon oo ka mid ah Soomaaliya iyo xarunta cusub ee laga hagi doono hawada Soomaaliya ee dhawaan laga dhisay Garoonka Muqdisho, ayadoo marka la dhameystiro ka dib ay Soomaaliya inta badan hawadeeda aanay ka dhici doonin xiriir xumo waayo qalabka cusub ee laga dalbay \u00a0Shirkad Talyaani ah ayaa ka dhigaya Soomaaliya \u00a0inay yeelato VHF Coverage taasoo Somaliya ay la mid noqonayso dhamaan dawlada deriska ah.<\/p>\n<p>Waxay isla qaateen Wasiir Jangali iyo Guddoomiye Dr Aliu \u00a0in qalabkaani uu dabooli doono baahida xoojinta xiriirka hawada ee maamulka hawada Soomalia korna u qaadaysa shaqada loo qabto diyaaradaha dulmara Soomalia ayadoo nabdgalyadooduna ay wanaagsanaan doonto. Sidoo kale waxaa kordhi doono dhaqaalaha laga qaadi doono diyaaradaha isticmaala hawada Soomaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in la dardargalin doono kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo kuwa cusub ee la qorayo si marka loo guuro Muqdishu ay dawladda Soomaaliyeed noqoto mid isku filan.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan soona dhowaysay waqtigii hawada Somaliya laga hagi lahaa Somaliya. Waxa Wasiir Jangeli uga mahad celiyey Guddoomiyaha Golaha ICAO(ICAO COUNCIL) iyo madaxda ICAO wada shaqeyntii wanaagsanayd ee ay la lahayeen intii uu hayey xilka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.<\/p>\n<p>Ugu danbeyn, wuxuu Guddoomiye Dr. Aliu ballan qaaday inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya \u00a0Mudane Moxamed Cabdillahi Farmaajo warbixin kaamil ah si dhakhso leh u soo siin doono.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/ciidamo-nabad-ilaalin-cusub-kana-socda-dalka-burundi-oo-soomaaliya-yimid\/becco-44\/\" rel=\"attachment wp-att-34271\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34271\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-4.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-4.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/becco-4-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/tabaarak-38\/\" rel=\"attachment wp-att-34224\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34224\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/hormuud-logo-25\/\" rel=\"attachment wp-att-34226\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34226\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/hormuud-logo-4.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/02\/abaarta-ka-jirta-soomaaliya-oo-uu-ku-baaqey-in-wax-laga-qbto-ergeyga-ingiriiska-u-qaabilsan-soomaaliya\/salaam-bank-47\/\" rel=\"attachment wp-att-34225\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-34225\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/02\/salaam-bank-4.jpg\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada \u00a0Somaliya Cali Axmed Jaamac \u201cJangali\u201d ayaa shalay xarunta ICAO ee magaalada Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dhashay dalka Nijeria, waxaana \u00a0ka wada hadleen sidii dardar loo galin laha soo dhameystirka qalabka hagidda diyaaradaha ee loo iibinayo Soomaliya. Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa siddeed garoon [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":34283,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-34281","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34281","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=34281"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34281\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":34282,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/34281\/revisions\/34282"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/34283"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=34281"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=34281"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=34281"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}