{"id":33190,"date":"2017-01-10T18:01:25","date_gmt":"2017-01-10T15:01:25","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=33190"},"modified":"2017-01-10T18:02:23","modified_gmt":"2017-01-10T15:02:23","slug":"doorashada-gudoonka-barlamaanka-oo-diyaar-garawgii-ugu-danbeeyey-muqdisho-ka-socdo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/doorashada-gudoonka-barlamaanka-oo-diyaar-garawgii-ugu-danbeeyey-muqdisho-ka-socdo\/","title":{"rendered":"Doorashada gudoonka Barlamaanka oo Diyaar garawgii ugu danbeeyey Muqdisho ka socdo."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar-garoowgii ugu danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 11bishan Janaayo oo ku beegan maalinta berri ah.<\/p>\n<p align=\"justify\">Doorashadan oo noqoneysa mid xiiso gaar ah leh marka la eego musharixiinta ku hardamaya ayaa guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u taagan oo isku arki doona xildhibaan C\/rashiid Max\u2019ed Xidig, Prof Max\u2019ed Cismaan Jawaari, C\/fitaax Max\u2019ed Ibraahim (Geeseey) iyo Idiris Aadan Dhakhtar.<\/p>\n<p align=\"justify\">Labada musharax ee loogu hadal heynta badan yahay ayaa kala ah xildhibaan C\/rashiid Max\u2019ed Xidig iyo Prof Jawaari oo loo maleynayo in loolanka ugu adag uu dhax mari doono.<\/p>\n<p align=\"justify\">Musharixiinta u taagan xilka guddoonka baarlamaanka oo gaaraya 22 xildhibaan, waxaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeennadii hore ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, iyo Mahad Cabdalla Cawad \u00a0oo mid walba oo ka mid ah mar kale isku soo taagay xilkii uu horay uga hayay baarlamaanka.<\/p>\n<p align=\"justify\">Dad badan ayaa rumeysan in doorashada maalinta berri ah ka dhici doonta gollaha shacabka saadaal ka sii bixin doonto cidda noqoneysa madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">Maanta oo Talaado ah ayeey musharixiinta watigooda ugu badan ku qaadan doonaan olalahooda doorasho, madaama maalinta berri ah mid walba oo ka mid ah u soo diyaar-garoobi doono doorashada oo ah mid siweyn isha loogu wada hayo natiijada ka soo baxda.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/hormuud-logo-13\/\" rel=\"attachment wp-att-33100\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-33100\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hormuud-logo-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hormuud-logo-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hormuud-logo-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/salaam-bank-37\/\" rel=\"attachment wp-att-33101\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-33101\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/becco-34\/\" rel=\"attachment wp-att-33102\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-33102\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/tabaarak-29\/\" rel=\"attachment wp-att-33103\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-33103\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar-garoowgii ugu danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 11bishan Janaayo oo ku beegan maalinta berri ah. Doorashadan oo noqoneysa mid xiiso gaar ah leh marka la eego musharixiinta ku hardamaya ayaa guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u taagan oo isku arki doona xildhibaan C\/rashiid Max\u2019ed Xidig, Prof [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":33192,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-33190","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33190","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=33190"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33190\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":33191,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33190\/revisions\/33191"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/33192"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=33190"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=33190"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=33190"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}