{"id":33183,"date":"2017-01-07T03:53:53","date_gmt":"2017-01-07T00:53:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=33183"},"modified":"2017-01-07T03:55:50","modified_gmt":"2017-01-07T00:55:50","slug":"taliyaha-ciidanka-dalka-uganda-oo-booqdey-magaalo-xeebeedka-baraawe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/taliyaha-ciidanka-dalka-uganda-oo-booqdey-magaalo-xeebeedka-baraawe\/","title":{"rendered":"Taliyaha Ciidanka Dalka Uganda oo Booqdey Magaalo xeebeedka BARAAWE."},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\">Taliyaha ciidamada xoogga dalka Uganda General Katumba Wamala oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay safar ku tagay degmo xeebeedka Baraawe ee gobolka Sh\/hoose.<\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay taliyaha howlgalka midowga Africa AMISOM General Osman Nur Subagle, saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.<\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha ciidamada militariga saraakiishii socdaalka ku wehlinayay ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala degmada Baraawe.<\/p>\n<p align=\"justify\">Taliyaha ayaa ku amaanay gaar ahaan ciidamada dowladda sida ay ugu howlan yihiin difaacada dalkooda, isaga oo sheegay in marnaba dowladda Uganda taageero la bar bar taagan tahay ciidamada dowlada Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"justify\">\u00a0\u201cXalka dalkaan wuxuu ku jiraa gacanta walaalaheena Soomaalida waxaan ku dadaaleeynaa inaan idin taageerno si walbo ay noqotaba balse waxaana idinka rajeynayaa in aad muhimaad gaar ah dhaaman aad siisaan sugidda amniga iyo xasilinta dalka\u201d ayuu yiri General Katumba Wamala.<\/p>\n<p align=\"justify\">Booqaashadan ayey dadka siyaasada saadaaliyaa sheegayaan in dalka Ugandha ay iyaduna kusoo biirtey dalalka Geeska Afrika ee Bad raadinta ku jira sida dalka Ethoipia,uuna socdaalka taliyaha ku hoos jiro sahan la xiriira arinta aan soo sheegney.<\/p>\n<p align=\"justify\">Ugu danbeyntii, taliyaha ciidamada Uganda ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmadda Baraawe, isaga oo sheegay in uu marakacayo hormar ballaaran oo ay sameysan degmada.<\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/salaam-bank-37\/\" rel=\"attachment wp-att-33101\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-33101\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/salaam-bank-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/salaam-bank-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/salaam-bank-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/hormuud-logo-13\/\" rel=\"attachment wp-att-33100\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-33100\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hormuud-logo-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hormuud-logo-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/hormuud-logo-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/becco-34\/\" rel=\"attachment wp-att-33102\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-33102\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/becco.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/becco.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/becco-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2017\/01\/caasimad-goboleedka-jowhar-kontorol-ku-yaal-oo-la-weerarey\/tabaarak-29\/\" rel=\"attachment wp-att-33103\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-33103\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/tabaarak.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/tabaarak.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2017\/01\/tabaarak-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n<p align=\"justify\">&#8211;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha ciidamada xoogga dalka Uganda General Katumba Wamala oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay safar ku tagay degmo xeebeedka Baraawe ee gobolka Sh\/hoose. Taliyaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay taliyaha howlgalka midowga Africa AMISOM General Osman Nur Subagle, saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Taliyaha ciidamada militariga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":33185,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-33183","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33183","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=33183"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33183\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":33184,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/33183\/revisions\/33184"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/33185"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=33183"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=33183"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=33183"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}