{"id":32849,"date":"2016-12-24T22:12:05","date_gmt":"2016-12-24T19:12:05","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=32849"},"modified":"2016-12-24T22:13:59","modified_gmt":"2016-12-24T19:13:59","slug":"taliyaha-ciidanka-booliska-soomaaliyeed-oo-lagu-eeeeyey-in-uu-u-kala-eexdey-xildhibaanada-bar-soo-galey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/taliyaha-ciidanka-booliska-soomaaliyeed-oo-lagu-eeeeyey-in-uu-u-kala-eexdey-xildhibaanada-bar-soo-galey\/","title":{"rendered":"Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu eeeeyey in uu u kala eexdey Xildhibaanada Bar-soo galey."},"content":{"rendered":"<p>Taliyaha ciidamada booliska Somalia Maxamed Xasan Xaamud ayaa meel-fagaare ah ka sheegay in xubnaha booliska kaga jira labada aqal ee hoose iyo kan sare ee Somalia ay codadkooda u hibayn doonaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheikh Maxamuud.<\/p>\n<p>Tani ayaa dhanka kale muujinaysa in Booliska Soomaaliyeed oo u xil-saarnaa ilaalinta nabad-galyada dalka uu ku jiro han siyaasadeed oo ka balaaran shaqada ay hayaan ,iyadoo ilaa iyo hadda seddex xubnood oo ka tirsan booliska ay ku soo baxeen doorashooyinkii la qabtay.<\/p>\n<p>Xubnaha madaxweyne Xasan \u00a0u codayn doona ee booliska ka tirsan ama la soo shaqeeyay waxaa kamid ah Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo xubin sare ka soo qabtay booliska dalka ,Sareeye Gaas Shariif Shekhunaa Maye iyo mid kamid ah rag-gii uu dalacsiin-ta u sameeyay madaxweyne Xasan Sheikh sanadkan gudihiisa.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"http:\/\/www.hiiraan.com\/images\/2016\/Dec\/20161224636181492351221954taliye.jpg\" alt=\"http:\/\/www.hiiraan.com\/images\/2016\/Dec\/\" \/><\/p>\n<p>Xasan Shiekh Maxamuud oo ka qayb-galay munaasabad boolisku lahaayeen ayaa si aad ugu farxay in uu maqlo hadalka ka soo yeeray General Xaamud ,mana uusan muujin dareenkiisa ku aadan sax iyo khalad \u00a0midka ay tahay in boolisku ay siyaasad-da ku milmaan.<\/p>\n<p>Taliye ku xigeenka booliska Soomaaliyed General Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa isna u tartamay doorashadii aqalka hoose ee barlamaanka Somalia ,isaga oo aan iska casilin shaqada uu ka hayo ciidamada Somaliya.<\/p>\n<p>General Maxamed Xasan Xaamud ayaa lagu \u00a0dhaliilay hadal ka soo yeeray ,xilli lagu wado in dalka ay ka dhacdo doorasho ,waxaana jirin ilaa iyo had-da hadal ka soo baxay musharaxiinta oo ku aadan arintan.<\/p>\n<p>Hadaba Su\u2019aasha is weydiinta mudan ayaa ah ma tahay in boolisku uu ku mashquulo taageeri-da hal musharax ,iyada oo ay jiraan waajibaad ka saaran dhanka amniga oo loo baahan-yahay in xal loo helo ,waxxaana sanadkan qaraxyo kadhacay Muqdisho lagu dilay dad isugu jiray siyaasiyiin ,shacab ,boolis \u00a0iyo waliba dan-yar.<\/p>\n<p>warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/hormuud-logo-11\/\" rel=\"attachment wp-att-32809\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32809\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-5-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-5-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-5-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/salaam-bank-35\/\" rel=\"attachment wp-att-32806\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32806\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/becco-32\/\" rel=\"attachment wp-att-32807\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32807\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-3.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/tabaarak-27\/\" rel=\"attachment wp-att-32808\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32808\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyaha ciidamada booliska Somalia Maxamed Xasan Xaamud ayaa meel-fagaare ah ka sheegay in xubnaha booliska kaga jira labada aqal ee hoose iyo kan sare ee Somalia ay codadkooda u hibayn doonaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheikh Maxamuud. Tani ayaa dhanka kale muujinaysa in Booliska Soomaaliyeed oo u xil-saarnaa ilaalinta nabad-galyada dalka uu ku jiro [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":32851,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-32849","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32849","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=32849"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32849\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":32850,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32849\/revisions\/32850"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32851"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=32849"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=32849"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=32849"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}