{"id":32840,"date":"2016-12-24T20:49:39","date_gmt":"2016-12-24T17:49:39","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=32840"},"modified":"2016-12-24T20:51:11","modified_gmt":"2016-12-24T17:51:11","slug":"mweynihii-hore-ee-puntland-oo-colaada-gaalkacyo-ku-eedeeyey-dad-kami-ah-maamulka-puntland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/mweynihii-hore-ee-puntland-oo-colaada-gaalkacyo-ku-eedeeyey-dad-kami-ah-maamulka-puntland\/","title":{"rendered":"M\/weynihii hore ee Puntland oo Colaada Gaalkacyo ku eedeeyey dad kami ah Maamulka Puntland"},"content":{"rendered":"<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Madaxweynihii hore ee Puntland, C\/Raxmaan Faroole ayaa colaadaha Puntland waxaa uu ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Faroole ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.\u00a0 C\/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in dagaaladii bil ka hor ka dhacay Gaalkacyo la baajin karay oo wax yar oo laciif saqiir ah odayaashuna xallin kareen ay ka dhasheen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">C\/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in shakhsiyaat ku jira maamulka Puntland ay sabab u noqdeen dagaalada ka dhacay halkaa.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu sidoo kale ka hadlay in ammaan darrada ka dhacday Puntland iyo koofurta intaba ay keeneen in is dhexgalkii shacabka Puntland iyo koofurta iyo bartamaha ay wax u dhintay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Wuxuu sheegay in min 1992 ay dadka Soomaaliya is dhexgaleen ayna bilaabeen inay ganacsiyada ku shirkoobaan iyo gaadiidka.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Si kastaba ha ahaatee wuxuu sheegay in haatan ganacsiyadii iyo isu socodkii ay xayirmeen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8220;Ganacsigii isu furnaa min 1992 ilaa hada waa xayirmay waxaana xayiray dad yar oo kooban oo kujira maamulka Puntland oo dagaal oogeyaal cusub noqday. Min sanadkii hore ee 2015 dagaalo ayaa socday. Dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay ee meesha macno darrada ah oo wadada yarta ah oo maamul degmo uu xallin karay, odayaal dhowr ah galiyay dadka oo rag ku laayay oo dhiigga ku shubay oo wadanka dhaqaalihiisa ku burburshay &#8220;. C\/Raxmaan Faroole ayaa sidaa yiri.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8220;Ayaduna hade waa dhibaato dheeraad ah oo Puntland ku soo korodhay oo dhaqaale xumo dheeraad ah ku heysa, amni darro cusub ku heysa, dagaal sokeeye galisay dalkii&#8221;. C\/Raxmaan Faroole ayaa intaa raaciyay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">&#8220;Amni darrona xagga bari kaga soo socotaa buurtaas ayuu hada kasocdaa; buurtii kaloo.. magaaladii Boosaaso oo xarunta ganacsiga u ahaydna la galay abaarna ka jirtaa&#8221;. Intaa ayuu sidoo kale raaciyay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhanka kale, xaalada Gaalkacyo ayaa saaka daggan kadib dagaal halkaa shalay ka dhacay oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen labo qof.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo ciidamada maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa ka dhacay xaafada Garsoor ee magaaladaasi Gaalkacyo shalay subax ayadoon la ogeyn sababta dhalisay.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Dhawaan dagaalo halkaa ka dhacay kadib ayaa waxaa la gaaray heshiis xal waara colaada loogu raadinaayay iyo inaan colaad dambe aan loo celin shacabka Gaalkacyo.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\"><span style=\"font-size: large;\">Heshiiskaa kadib wixii ka horeeyay shalay shacabka kunool Gaalkacyo muddo asbuucyo ah ayay nabad iyo xasillooni kunaaloonayeen.<\/span><\/p>\n<p align=\"justify\">warsom2011@gmail.com<\/p>\n<p align=\"justify\"><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/hormuud-logo-11\/\" rel=\"attachment wp-att-32809\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32809\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-5-150x150.png\" alt=\"hormuud-logo\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-5-150x150.png 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/hormuud-logo-5-70x70.png 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/salaam-bank-35\/\" rel=\"attachment wp-att-32806\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-thumbnail wp-image-32806\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-3-150x150.jpg\" alt=\"salaam-bank\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-3-150x150.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/salaam-bank-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/becco-32\/\" rel=\"attachment wp-att-32807\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32807\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-3.jpg\" alt=\"becco\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/becco-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2016\/12\/hawlgalka-amisom-oo-sheegey-in-ay-hawl-gelinayaan-200-boolis-tababar-qaatey\/tabaarak-27\/\" rel=\"attachment wp-att-32808\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-32808\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-3.jpg\" alt=\"tabaarak\" width=\"150\" height=\"150\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-3.jpg 150w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2016\/12\/tabaarak-3-70x70.jpg 70w\" sizes=\"auto, (max-width: 150px) 100vw, 150px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee Puntland, C\/Raxmaan Faroole ayaa colaadaha Puntland waxaa uu ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Faroole ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.\u00a0 C\/Raxmaan Faroole ayaa sheegay in dagaaladii bil ka hor ka dhacay Gaalkacyo la baajin karay oo wax yar oo laciif saqiir ah odayaashuna xallin kareen ay ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":32842,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[34,3,36],"tags":[],"class_list":["post-32840","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-macluumaadka-gmdq-xisbiyada","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32840","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=32840"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32840\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":32841,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/32840\/revisions\/32841"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/32842"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=32840"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=32840"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=32840"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}